Guddoomiyaha Komishanka Oo Ku Dhawaaqay Sida Ay Gobaladu U Kala Horeeyaan Diiwaangalinta iyo Gobalo Qaybo Laga Jaray

Hargeysa(SLpost)-Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay sida ay ukala horeeyaan gobalada dalku diiwaangalinta iyo inta maalmood ee ay ka socon doonto diiwaangalinta codbixiyayaasha gobalada dalka.

Waxa uu guddoomiyahu ku dhawaaqay in gobalada Maroodijeex iyo Togdheer oo baaxadoodu badatay ay ka jareen sadex goobood oo ay ku kala dareen gobalada Saaxil iyo Sool, waxaanu sidan ku dhawaaqay gudoomiyahu isaga oo ay hareero taagan yihiin xubno matalayay xisbiyada waxaana isaga oo arintan ka hadlaayay uu yidhi “Waxa ay bishan aynu ku jirno 16 keeda lixda subaxnimo ay ka bilaabmaysaa diiwaangalintii codbixiyayaashu gobalka Togdheer, taas ayaanu baahinaynaa anaga oo dhan komishankii doorashooyinka iyo xisbiyadii qarankuba, waxay soconayaa diiwaangalintu 28 casho oo xidhoodh ah, waxaana ku xigaaya gobalka Awdal oo isaguna 28 casho oo xidhiish ah soconaaya, waxa ku sii xigi doona Saaxil,Maroodijeex,Sanaag, waxaana ugu danbayn doona gobalka Sool, sidaas ayaynu qorshaha gashanaynaa dadweynaha iyo dalkaba waxaanu u sheegaynaa inay sidaas isagu xigaan gobaladu, farsamo ahaan labada gobal ee ugu dhaadheer dalkeenu waa Maroodijeex iyo Togdheer, gobalka Maroodijeex qalabkii aanu u haynay waa uu ka yaraaday markaas waxaanu farsamo ahaan qorshaynay in qalab ka batay Saaxil aanu farsamo ahaan gobalka Maroodijeex laba degmo oo ka mid ah aanu u dunay, markaas markay Saaxil ka dhacayso waxay isku mar ka dhacaysaa oo raacaya Baligubadle iyo Gabiilay, waxay ka tirsan yihiin gobalka Maroodijeex laakiin farsamo ahaan waxay raacayaan Saaxil, gobalka Togdheer markaad timaado waa mid aad u weyn oo ku soo xiga Maroodijeex isagana waxaanu ka dhignay degmada Buuhoodle oo ka kooban 22 goobood aan iyadana u weecino xaga gobalka Sool oo farsamada markaanu eegnay baaxadii gobalka Togdheer buuxin wayday, markaas labadii gobal ee ugu waaweynaa midna hal degmo ayaanu ka goynay midna laba degmo.”