Guddoomiyaha hay’adda Shaqaalaha oo tirade hay’adaha ay imtixaanka ka qaadeen shaqaalahooda iyo inta u hadhsan

Hargeysa, (SLpost)- Guddoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha dawlada Muxumed Aw Cabdi Ismaaciil ayaa maanta ka Waramay waxyaabihii u qabsoomay hay’ada shaqaalaha dawlada sannadkii tagay ee 2011-kii.

Guddoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Dawladu waxa uu si qoto dheer u sharaxay waxyaabihii u qabsoomay sannadkii tagay ee 2011-ka waxaanu tilmaamay inay Imtixaan qiimayn ah ka qaadeen Labaatan hay’adood oo ka mid ah Wasaaradaha iyo Laamaha dawlada isla markaana ay u dhiman yihiin Sadex iyo Labaatan waaxood oo ka mid ah hay’adaha dawlada.

Gudoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha dawlada Muxumed Aw Cabdi Ismaaciil waxaa kale oo uu sheegay in Sannadkii Tagay ay Labaatan arday u direen dalka aynu deriska nahay ee Itoobiya kuwaas oo soo diyaariyay shahaadada Master-ka , Waxaa kale oo Gudoomiyuhu xusay in habka diiwaangelinta shaqaalaha dawlada ay ka soo bilaabeen qaab madax taabasho ah isla markaana ay kormeer ku soo mareen gobolada dalka .

Gudoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha dawladu  waxa uu intaas ku daray in saacadaha shaqada ay xadideen si aanay u dhicin ayuu yidhi in shaqada markii la doono la soo galo xiliga la doonaana laga baxo.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net