Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada ee Somaliland oo Ganacsatada Ugu Baaqay in ay Iska Ilaaliyaan Tayada Badeecadaha

Hargaysa (SLpost):- Guddoomiyaha Hay’adda  Dhawrista  Tayadda badeecadaha Somaliland Cali Maxamed Cabdulle (Cali-biikallo), ayaa ugu  baaqay ganacsatadda iyo tijaarta  badeecadaha kala duwan u soo waaridda dalka in ay iska ilaaliyaan tayadda  badeecadaha marka ay soo iibsanayaan, isla markaana ay masuuliyadda koowaad iyaga ka saaran tahay ilaalinta caafimaadka iyo nolosha bulshadoodda maadaama oo ay iyagu gacanta ku hayaan awooda dhaqaale ee ay wax kula soo degayaan.Waxaanu uga digay ganacsatadda iyagu caadaystay  in ay soo waaridaan badeecadaha dhacay  sida daawooyinka  iyo noocyada kala duwan ee cuntooyinka  si ay macaash badan uga helaan in dalku uu leeyahay dawlad  ka qabata wax kasta oo dhibaataynaya bulshadeedda, isla markaana lagula xisaabtami doono arrintaasi.

Warbixin uu wargeyska xukuumadda ee Dawan diyaariyey ayaa Cali Maxamed Cabdule (Cali-biikalo),  uu  ku sheegay  in hay’adda dhawrista tayadu  mudadda ay jirtay in ay wax ka qabatay waxyaabo badan oo halis iyo dhibaato caafimaad darro ku keeni lahaa bulshadda, mar kastana ay ku dedaalayso sidii ay wax uga qaban lahayd in aan badeecado dhacay bulshadda laga iibin. Dhinaca kale Guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayaddu waxa uu sheegay in  ganacsadaha lagu qabto isagoo dalka soo gelayay waxyaabo aanay tayadoodu wanaagsanayn ama dhacay in la mar-siin doono ciqaabta uu mutaysto sida ku cad xeerka hay’adda dhawrista tayadda. Sidoo kale  waxa uu bulshadda u soo jeediyay in iyaguna dhinacooda  ay ku baraarugsanaadaan iskana eegaan wax kasta  oo ay iibsanayaan ama ay isticmaalayaan, in uu yahay mid taariikhdiisu ay dhacsan tahay iyo in kale.

Guddoomiye Biikalo oo ganacsatadda la hadlayayna  waxa uu yidhi   “Ganacsatadda iyo dadka tujaarta ah ee wax soo dejiyaa ma wada xuma, oo waxaa jira dad badan oo waxyaabo wanaagsan oo tayadiisu fiican tahay soo dejiya, oo xalaal u ganacsanaya ayaa jira, oo dadkooda iyo dalkoodaba u tudhaya.  Kuwa qariban ee waxa xun mar kasta soo dejiya, oo macaash doonka uun ah,  iyaga marka la baadho waa la qabtaa, waana looga digaa in aanay  mar danbe waxyaabo dhacay soo dejinain.  Masuuliyadda ugu badan cidda ummadda u haysaa waa cida wax soo dejisa ee ILLAAHAY awooda dhaqaale  iyo hantidaba siiyay, iyaga ayay masuuliyadda koowaad saran tahay isagaana yaqaana nooca badeecadda uu soo iibsnayo in tayadeedu fiican tahay iyo  in uu xun yahay, waana in marka uu soo iibsanayo uu iska tijaabiyo in waxaasi uu yahay mid wanaagsan iyo in kale. Ganacsatadana waxaan leenahay  masuuliyad ayaa idinka saran dadkiina, intii xumaanta iyo waxyaabaha aan fiicanayn umadooda u soo waaridana waxaan leenahay ILLAAHAY ayaa idinkula xisaabtami doona, umaduna dawlad ayay leedahay ka qabata cidii  waxyaabo caafimaadka bulshada waxyeelaya u soo waaridda”. Guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayadda badeecadaha waxa uu sheegay in  ganacsadaha lagu qabto isagoo dalka soo gelayay waxyaabo aanay tayadoodu wanaagsanayn ama dhacay in la mar-siin doona ciqaabta uu mutaysto sida ku qeexan xeerka hay’adda dhawrista yadda. Isagoo dhinaca kalena waxa uu bulshadda u soo jeediyay in iyagna dhinacooda  ay ku baraarugsanaadaan isna eegaan wax kasta  oo ay iibsanayaan ama ay isticmaalayaan, in uu yahay mid taariikhdiisu ay dhacsan tahay iyo in kale.

“Qofkii lagu qabto isagoo wax dhacay dalka soo geliyay oo badheedh u keenay  ciqaabtii la mar-siin lahaa xeerka hay’adda ayay ku taalaa, waana lagu ciqaabi doonaa oo hay’adaha sharciga ayaa la hor-gayn doonaa, waxaanu wajihi doonaa wixii uu ku mutaysto xeerka umaddu dhigatay ee goleyaasha sharci dejintu ansixiyeen. Bulshadda reer Somaliland iyagana waxaan ku wacyigelinayaa oo aan u sheegayaa in ay ku baraarugsanaadaan oo ay iska eegaan wax kasta  oo ay iibsanayaan ama ay isticmaalayaan, in uu yahay mid taariikhdiisu ay dhacsan tahay, tayadiisa ay iska eegaan, inta aan la eeginba waxa hoose ee ku jira inta ay indhuhu qabanayaan in ay iska eegaan ayaa kula dar-daarmi lahaa”. Mar uu ka hadlayay   u jeedadda loo aasaasay hay’adda iyo waxyaabaha  u  hirgalay hay’adda dhawrista tayadda mudadda ay jirtay, waxa uu yidhi  “Shaqadda hay’addan loo aasaasay waxay tahay in ay ilaaliso tayadda agabka dalka soo gelaya iyo ka gudaha dalka ka soo baxaya iyo wax kasta oo dalka ka dhoofayaba. Wax kasta oo ay bani’aadamku u baahan yihiinba tayadoodda in ay hay’addani ilaaliso,  si aanay u dhicin in waxyeello ka timaadda waxyaabo aan wanaagsanayn   oo  ay ummaddu u baahan tahay  oo caafimaadka waxyeelaya in ay ka hortagto ayaa loo aasaasay hay’addani. Hay’adani mudadda ay jirtay waxyaabo badan ayaa u qabsoomay, shaqaalaheeduna way joogaan gobol kasta iyo degmo kastaba, inta badan magaalooyinka dalka iyo  haddii ay tahay  meelaha ay wax ka soo  galaan, sida  dekadaha, xuduudaha iyo kastamadaba,  madaaradda iyo meel kasta oo ay dalka wax ka soo galaan  hay’adda dhawrista tayadda badeecadaha shaqaale ayaa u jooga, oo ilaaliya tayadda wixii dalka soo gelaya. Waxa kale oo jira shaqaale jooga goboladda waaweyn  ee dalka caasimadahooda, kuwaasi oo baadheyaal ah oo suuqqa gala, oo  ilaaliya  waxyaabaha suuqyada soo galay in ay jiraan kuwo wakhtigii loogu tallo-galay dhaafay oo dhacay, iyadoo haddii ay helaan alaabooyin dhacay ururiya oo  soo qabta, kadibna la gubo”.

Waxaanu intaasi ku daray “Shaqadda ugu weyn ee ay  imika  inta badan  hay’adda dhawrista tayaddu ku mashquulsan tahay   waxay tahay sidii  waxyaabaha dhacay ee  dukaamadda iyo bakhaaradda   yaalla in aan dib looga iibin dadka, iyagoo dhacay.  Magaaladda Hargaysa waxaa ka hawl-gala labaatan baadhe, oo ka tirsan shaqaalaha hay’adda dhawrista tayadda, kuwaasi oo marna u shaqeeya qaab olole ah, marna  meelaha suuqyadda ah iyo xaafadaha caasimadda ku kala qoran, si ay ula socdaan oo ay  xog  uga helaan,  in ay jiraan waxyaabo dhacay oo dadka laga iibinayo. Mararka qaarna qaab olole ayay u shaqeeyaan oo aan xataa anigu ka qaybgallo”ayuu yidhi Cali Biikalo. Cali Biikalo, oo la  waydiiyay in marka ay  qaadayaan ololeyaasha ay ku baadhayaan dukaamadda, bakhaarrada iyo goobaha kale ee ganacsiga, in ay wax dhibaato ah ama caqabaddo ah kala kulmaan mulkiileyaasha meelahaasi ganacsi.

Waxa uu ku jawaabay “Maya, ganacsatadu inta badan way nala shaqeeyaan, kalama kulano wax dhibaato ah iyo wax is-hortaag ah. Shaqaalaha hay’adda dhawrista tayaduna waxay leeyihiin aqoonsiyo, ganacsataduna marka ay aqoonsadaan way u fududeeyaan.  Shaqaalaha hay’adda dhawrista tayadu ma aha  shaqaale si qariban ula dhaqma, ama si aan sharci ahayn wax u baadha ee waa shaqaale  eegaya in waxaasi uu yahay mid  taariikhdiisu ay shaqay nayso oo aan dhicin, in uu yahay wax tayadiisu ay wanaagsan tahay,    ganacsatadu  cid kasta oo ay la kulmaan oo ay tusaan kaadhkoodda aqoonsiga, oo ay u sheegaan in ay meheradda eegayaan,  wax is-hortaag ah kalama kulmaan ee way la shaqeeyaan, waanay soo dahweeyaan, wixii dhacay ee ay meesha ku arkaana si dhakhso ah ayaa looga saaraa, waana la qaadaa oo meel ayaa lagu ururiyaa, kadibna waanu qaadnaa oo waxaanu geynaa meelaha loogu tallo galay waana  la gubaa.  Hawshaasina waah awl marwalaba socota”.  Cali Biikalo, waxa uu sheegay in hay’adda dhawrista tayadu  mudadda ay jirtay in ay wax ka qabatay waxyaabo badan oo halis iyo dhibaato caafimaad darro ku keeni lahaa bulshadda. Waxaanu fariin u diray qaybaha kala duwan ee warbaahinta oo uu ugu baaqay in ay hay’adda dhawrista tayadda kala shaqeeyaan sidii bulshadda looga wacyigelin lahaa dhibaatadda iyo halista ay ku keeni karaan waxyaabo dhacay haddii ay is-ticmaalaan.

 “Hay’adu  si fiican ayay u  wadaa shaqadda ay qaranka uga masuulka tahay,  waxyaabo badan oo nolosha bulshadda waxyeelo ku keeni lahaa oo ay qabatay, dadkana ka bad-baadisay way jiraan. Shaqadda ay hay’adani qabataana waa shaqo aad iyo aad waxtar ugu leh bulshadda   ayna  tahay in la fahmo, bulshaduna  ay hay’adda iyo shaqaalaheedaba  gacan ku siiyaan, oo cid kastaba looga baahan yahay in ku garab-gasho.  Haddii   ay tahay warbaahinta oo looga baahan yahay in ay wacyigelinta dhinacoodda dadka u gudbiyaan, oo ay u sheegaan waxyaabaha tayadda badeecadaha looga baahan yahay, oo ay nagala sahqeeyaan, oo   ay nagala qayb qaataan, si ay nooga gudbiyaan fariimaha aanu dadka u dirayno,  Haddii ay tahay xukuumadda, haddii ay tahay bulshadda, dhamaanteedba in hay’adda la is-garab taago, oo  gacan laga siiyo hawlaha ay qabanayso ayaa looga baahanyahay saxaafadda qaybaheeda kala duwan. Oo aan is-odhan karro waa meelaha ugu muhiimsan, waayo haddii cuntooyinka iyo daawooyinka aad is-ticmaalayso ama  cunayso aanad garanaynin dhibka ay keeni  karaan  waxyeelo ayay bulshadda u geysan karaan.  Meelaha ay bulshadu ka korto, ee nolosheedda iyo caafimaadkeeduba ay karoon ayay ka mid tahay in ay leedahay hay’ad tayadda badeecaha ka baadha, oo ka ilaalisa in ay dhibaato u keeni karaan waxyaabaha  ay is-ticmaalayaan”ayuu yidhi Cali Biikalo.

Waxa kale oo   guddoomiye Biikalo  la weydiiyey  in  uu jiro  shaybaadh ay ku hubiyaan  tayadda badeecadaha, gaar ahaana shiidaalka oo ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan. Waxaanu yidhi “Shaybaadhka lagu eego tayadda shiidaalku wuu jiraa, inkasta oo aanu ahayn mid toos u hoos yimaada ama ay maamusho hay’adda dhawrista tayadu, inkasta oo  aanu doonayno hadana in aanu la socono natiijadda waxyaabaha uu soo saaro, shiidaalku waxyaabaha dalka soo gala ayuu ka mid yahay, waxaana jirtay in markii hore saambaliskiisa loo diri jiray Jabuuti. Hase yeeshee maamulka cusub ee la wareegay kaydka haamaha shiidaalka iyo shirkad ajnabi ah oo ka shaqaysa arrimaha shaybaadha, ayaa heshiis ku galay in shaybaadh shiidaalka lagu baadhi la keenno, oo Berbera laga sameeyo. Markaa imika wuu jiraa shaybaadhkaasi”.

 Sidoo kale Biikalo, oo aanu waydiinay cida maamusha shaybaadhkaasi, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi   “Shirkadii rakibtay shaybaadhka ayaa xagga aqoon ahaan baadha, laakiin maamul ahaan waxaa maamula oo ay hoos tagaan maamulka kaydka haamaha shiidaalka, anaguna waraaq ayaanu u dirnay si ay  noo soo siiyaan warbixinta hadba waxa ay baadhaan, maadaama oo hay’adani ay wadanka u qaabilsan tahay baadhista tayadda badeecooyinka. Waxaananu doonaynaa intaa in ka badan in aanu u yeelano shaqadda uu qabto shaybaadhkaasi. Shaybaadhka shiidaalka ee Berbera wuu jiraa”.   Waxa kale oo uu ka waramay Mr Biikalo  waxyaabaha hay’adda u qabsoomay mudadda ay jirtay, qorsheyaasheedda iyo waxyaabaha ay doonayaan in ay mustaqbalka wax ka qabtaan iyo guud ahaanba  shaqadda hay’adda iyo sida ay hawlaha ay qaranka uga masuulka tahay u fuliso iyo sidoo kale tiradda shaqaalaha hay’adda.  Waxaanu sheegay  in shaqaalaha hay’adda ay tiradoodu gaadhayso 70 shaqaale, kuwaasi oo dhamaantoodba ah shaqaale heerkooda wax barasho uu gaadhsiisan yahay heer  jaamacadeed.

Somalilandpost.net

Hargeysa

Xigasho- Wargeyska Dawan