Guddoomiyaha Guurtida Oo Musharraxiinta Xisbiyada U Soo Jeediyey In Yooyootankoodu Khalkhal Abuurin

Hargeysa, 29 Oktoobar, 2017-(somalilandpost) – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay marxaladda Xaasaasiga ah ee Dalku marayo, Ololaha Doorashada Madaxweynaha iyo hadallada Xanafta leh ee Musharraxiinta Xisbiyadu isku mariyaan Warbaahinta.

Warka Guddoomiyaha GuurtidaGuddoomiyaha Guurtida oo hadal u jeediyey Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland Shalay, ayaa Musharraxiinta Xisbiyada u diray farriin ah inay Xaaladda ololaha Qaboojiyaan isla-markaana hadallada Xanafta leh ee ay isku jeedinayaan ku beddelaan inay Shacabka u soo bandhigaan Barnaamijyadooda iyo waxay qaban doonaan haddii la doorto.

Guddoomiye Saleebaan oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Xisbiyada waxaanu ka codsanaynaa in aanay inna lulin, waxa wanaaggu yahay in Xisbi waliba uu Siyaasaddiisa iyo Barnaamijkiisa innaga iibiyo, Dadka haka iibiyo oo haku Qanciyo, laakiin is-xag-xagashadu meesha kuma jirto, waxaanu Madaxda Asxaabta ka codsanaynaa inay arrintaa joojiyaan, oo aad na qancisaan, Waayo? Codku wuxuu ku xidhan yahay Xisbi waliba sida uu Dadka u hantiyo, is-xajiimayna laguma hantiyo Codka Dadweynaha.”

Guddoomiyaha Guurtidu waxa kale oo uu sheegay  “Dadweynuhu Cadaaladda ayuu jecel yahay, Ninkii Caddaalad iyo horumar u wada ayuun buu dooranayaa, markaa waxaanu ka codsanaynaa inay Arrinta Qaboojiyaan oo ay Dhulka dhigaan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inaan Xildhibaannada Guurtida looga baahnayn inay Xisbiyada ku milmaan, haddiise ay ku milmeen ay tahay in aanay Fagaareyaasha Xisbiyada ka muuqanin, “Golaheenu (Guurtida) wuxuu ku meel-maray inuu dhex yahay, waan ogahay Nin waliba Xisbi ayuu hoosta uga feydan yahay (Xildhibaannada Guurtida), waan ogahay in Rag badani ay asxaabta ku jiraan, ma lihin ka baxa (Xisbiyada), laakiin waxaanu leenahay Maaha in Madasha la idinku arko (Fagaareyaasha Xisbiyada) oo aad ka buuqdaan oo aad ka qaylisaan, Madasha hala joojiyo, Odayaal Qaran aynu u muuqanno oo Dadka oo dhan danaynaya.”

Guddoomiyaha Guurtidu waxa kale oo uu hadalkiisa ku sheegay  “ILAAHAY kii Khayr qaba ayuu inoo soo saari, ILAAHAY kii inna dhaqaya ee inna wanaajinaya ayuu inoo soo saari, mid walbana waxaynu ku rejo weynnahay inaynu ka helayno, markaa innaga oo hadhow mid walba aqbali doona yaynaan sii xajiimaynin..”ayuu yidhi.

hargaysa

somalilandpost