Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Guurtida oo ka warbixiyey baxaadda Khasaaraha shilalka Baabuurta ka Dhashay

Hargeysa (SLpost)- Golaha Guurtida ee Jamhuuriyada Somaliland fadhigoodii maanta  oo uu shir gudoominaayay Gudoomiyaha Golahaasi  Md Saleebaan Maxamud Aadan ayaa Mudanayaashu  Warbixin ku saabsan waddooyinka Somaliland ee sagaalkii Bilood ee u Dambeeyey  iyo Xaaladda maxaabiista Dalka ka Dhegeysteen Gudoomiyaha Gudida Arimaha Bulshada ee Golaha Guuritida Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-Idho).

Xildhibaanka ayaa Warbixintiisa Ku xusay inay guddi ahaan  la Kulmeen Labada Taliye Ciidan ee Asluubta iyo Bilayska iyo Wasiirada Wasaaradaha Caafimaadka iyo Waxbarashada, waxaana uu warbixintaas ku Tilmaamay Dhimashada iyo Dhaawacyada Shilalka Gaadiidka iyo Maxaabiista Xidhan Sagaalkii Bilood ee u Dambeeyay  oo Tiradoodu Dhan tahay 1,193 (Kun iyo Shan Boqol iyo Sagaashan iyo Saddex).

Warbixinta Guddoomiyaha Gudida arrimaha Bulshada ee Golaha Guurtida waxaa qayb ka ahayd in dadka ku dhintay shilalka waddooyinka  sagaalkii bilood ee u dambeeyey tiradoodu gaadhayso boqol iyo labaatan qof, halka dadka ku dhaawacmay shilalka noocaas ah ay kor u dhaafayaan  1,160 (kun boqol iyo lixdan), Gaadiidka ku burburayna ay gaadhayaan 1,044 (kun iyo afar iyo afartan) gaadhi mudadaas sagaalka Bilood ah .

Xildhibaan Indho-Indho waxuu sheegay in  Khasaaraha xoolaha nool   ee ka yimid shilalka waddooyinka Somaliland  ay tiradoodu dhantahay  363 (saddex boqol  lixdan iyo saddex) neef,  tiro badan oo dhismayaal ahna  ay ku burbureen ama waxyeello ka soo gaadhay.

SOMALILANDPOST.NET