Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland oo la kulmay dhiggiisa Wadanka Finland

Helsinki (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa Caasimadda waddanka Finland ee Helsinki kulan kula yeeshay guddoomiyaha baarlamanka dalkaas Eero Heinaluoma.

Kulankan Labada Gudoomiye oo ka dhacay Xarunta baarlamaanka Finland, waxa Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland lasocday Wefti ka koobnaa 3 Xubnood, halka dhanka kalena Dhigiisa ay weheliyeeen Wefti ka kooban 3 Xubnood oo kala ahaaa, xog-hayaha arimaha caalamiga ah  ee Gudoomiyaha Baarlamaanka Finland  Mrs Paula Moisander, lataliyaha gaarka ah ee Gudoomiyaha  Mrs Merja Leskinen,  Lataliyaha arimaha caalamiga ah Mr Jouni Laaksonen.

Helsinki_CirroKulankan oo ujeedadiisu ay ahayd sidii ay uga wada hadli lahaayeen labada gudoomiye arimaha ku saabsan horumarka iyo gooni isu taaga Somaliland, ayaa wuxuu ka dhacay mid kamid ah hoolalka ugu heerka sareeya ee madaxda caalamka kasocota uu ku qaabilo gudoomiyaha baarlamaanka Finland Md Heinluoma, iyadoona isla markaas si heer sare ah loogusoo dhaweeyey goobtaaas Gudoomiye Cirro iyo weftigi lasocdayba.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Md C/raxmaan Maxamed C/lahi, ayaa warbixin dheer oo dhinacyo badan taabanaysaa kasoo jeediyey kulankan uu la qaatay dhigiisa dalka Finland Md Heinaluoma .

Gudoomiyaha ayaa ka sheekeeyey taariikhihi kala duwanaa ay soo martay Jamhuuriyada Somaliland, lagasoo bilaabo dhamaadki qarnigi 19,aad xiligi uu gumaystuhu soo gaadhay dhulki ay degi jireen qoomiyada ku hadasha afka Soomaaliga, isla markaasna ay uqaybiyeen shan qaybood.

Helsinki_Cirro2Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yidhi 1991 bishi May aya dadka kasoo jeeda jamhuuriyada Somaliland go,aansadeen inay dib ulasoo laaabtaan dawladnimadoodi, kadib burbur balaadhan oo naf iyo maalba leh oo loo gaystay .

Gudoomiyaha ayaa xusay in Somaliland mudadaas 20,ka sano kabadan ay muujisay horumar balaadhan oo qaybo badan ah sida, dhanka nabadgalyada, siyaasada iwm, hadana loo baahanyahay in aduunku arimaheeda ilgaara ku eeego, lagana caawiyo dhanwalba.

Dhanka kale, dhiggiisa dalkan Finland Md Eero Heinaluoma, ayaa si wanaagsan usoo dhaweeyey gudoomiyaha iyo weftigiisaba, tilmaamayna inuu ku faraxsanyahay kulankan ay maanta wada qaateen dhigiisa dalka Somaliland, Finland,na ay diyaar utahay wixii wada shaqayn ah.  Wuxuuna gudoonsiiyey Gudoomiyaha baarlamaanka Finland Hadyad Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md C/raxmaan M.C.Cirro.

Somalilandpost.net