Guddoomiyaha Golaha Dhexe Ee KULMIYE Oo Ka Hadlay Murashaxnimada Madaxweyne Siilaanyo Iyo In Loolan Ka Dhex Jiro Xisbigaas

Hargeysa (SLpost)-Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) ayaa ka hadlay wararka muddooyinkii ugu dambeeyey soo baxayey  ee ku saabsanaa in Madaxweynuhu ka tanaasulay Musharaxnimadii Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye, isla markaana Masuuliyiin ka tirsan Xisbigu loolan ugu jiraan murashaxnimada.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige  (Jaamac Shabeel) oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale  ka hadlay  saami qaybsiga,sida uu ku soo bilaabay, iyo xalka sida uu arko, waxa kale oo uu ka hadlay dilka saraakiisha ee dalka ku soo kordhaya.

Ugu horayn Mr. Shabeel oo la weydiiyay ololaha iyo loolanka  xisbigooda ka dhex jira, wuxuu yidhi “Olole Xisbiga ka dhex taagani ma jiro, Madaxweynuhu sida uu u sheegay inuu musharax u yahay, war dambe lagama maqal, dadka leh Madaxweynuhu musharax maaha waa dad siyaasada ka sinaysanaya, oo wax kale ka hadlaya, anaga jaranjaradu way noo cadahay, oo Xisbiga waxba kama qarsoona, Shirweynaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye marka aanu anagu isla garano ayuu qabsoomayaa, waa hawl anaga noo taala, hawl dadka kale u taala maaha” Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Kulmiye mar uu ka hadlaayey saami qaybsiga waxa uu yidhi  “Saami qaybisagani ilaa iyo 1992-kii qabyo ayuu ahaa, oo wakhtigaas waa lagu heshiin waayey, Boorama ayaa la isla tagay, hab ku meel gaadh ah oo laaluush miidhan la isa siinayo ayaa loo soo qaybiyey, Doorashadii 2005-tii, markii la soo gaadhayna waa lagu heshiin waayey, si Doorashada loo galena waxa lagu heshiiyey in hab ku meel gaadh ah oo lixdankii ah lagu galo doorashada, waxa ay ahayd in hadda Barlamaanku xeerkan laalin ee ay Xukuumadda u gudbiyaan si loo qabto Shir Qaran,oo Gobolada oo dhami ka soo wada qayb galaan oo loo yeedho dadka, oo Goboladu halkaas ku heshiyaan, waxaana daruurinaya in la helo miisaan cadaalada ah oo ay u siman yihiin Goboladu, waana inaynu aragtideedana fogaynaa, oo aynu dhiganaa qaado hadhaw aan khilaaf keenin, oo aan dhibaato dambe keenin oo lagu nagaado, sida uu imika Barlamaanku ku fadhiyaana maaha si lagu dhaqmi karo ama lagu gali karo, maxa yeelay kun cod ayey laba nin ku fadhiyaan Barlamaanka, halka shan kun, siddeed boqol iyo konton codna nin ku waayey, markaas waxa ma cadaalad ayaa lagu sheegi karaa, maya laguma sheegi karo cadaalad”. Jaamac Shabeel ayaa mar uu ka hadlaayey Askarta Saraakiishooda laynaya ee dalka ku soo kordhaya wuxuu  yidhi “Arintaasi waa arin inagu cusub oo aan u baahnayn in la dhayalsado, oo u baahan in la taabto ciladu halka ay ka socoto, baadhistana Wasaaradda Gaashandhigu wey bilawday, inla ogaado halka ay wax ka khaldan yihiin iyo sida ay wax yihiin ayaana wanaagsan”

Xigasho Geeska Afrika