Guddoomiyaha Gobolka Awdal oo ka hadlay Weerar Dabley Hubaysani kula beegsadeen Gudaha Ceerigaabo

ramaaxHARGEYSA (SLpost)- Guddoomiyihii hore ee gobolka Sanaag, immikana ah Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa ka bad-baaday isku-day dil oo kooxo hubaysani kula beegsadeen gudaha magaalada Ceerigaabo, halkaas oo uu u tagay inuu xilka ku wareejiyo Badhasaabka cusub ee gobolkaas.

Badhasaabkii hore ee gobolka Sanaag Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo uu weheliyo Badhasaabka Cusub ee gobolkaas Axmed Cabdi Falay, waxa badhtamaha magaalada Ceerigaabo ku bartilmaameedsaday dabley abaabulan oo laba ka mid ahi ka tirsan yihiin Ciidanka Qaranka, haseyeeshee kuma guulaysan inay waxyeello gaadhsiiyaan labada masuul, waxaana markiiba gacanta ku dhigay Ciidanka Booliska ee magaalada iyo askartii ilaalada u ahayd, sida uu sheegay badhasaabka gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax).

HALKAN KA DAAWO