Guddoomiyaha Gobolka Awdal Oo Farriin Digiin Ah U Diray Waalidiinta Ubadkooda Lagu Qabto Rabshad

Boorama (SLpost) –  Badhasaabka gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan dhalinyaro uu sheegay inay habeenkii bulshada ku dhibaateeyaan magaalada Boorama, waxaanu tilmaamay in haddii waalidiintu edbisan waayaan ubadkooda ay sharciga la tiigsanayaan.

Badhasaab Ramaax waxa kale oo uu sheegay inaanay u dulqaadan doonin rabshadaha ay dhalinyaradaasi ku kacaan, waxaanu intaas ku daray in waalidiintoodu aanay u soo cabaasho tegin marka ay ciidamada amaanku xisbiga u taxaabaan.

“Ciyaalkeenii magaalada wuxuu ku soo kordhiyay rabash badan, tallaabo adag baanu qaadi doonaa maanta laga bilaabo, kumana aaminayo Boolis oo anigaa tallaabo adag ka qaadaya, waxa weeyaan Nin walooba caruurtaada qabso. Hadhow ha igu imanina Iskuulbuu ka habsaamayaa, tallaabo adag baanu ka qaadaynaa umana dul qaadanayno Kaman dul qaadayno.” Ayuu yidhi Badhasaab Ramaax

Badhasaabka gobolka Awdal waxa uu intaas ku daray “Anigaa ciidanka kaxaysanaya, ma dhacayso habeen walba in la yidhaahdo Inan yar baa halkan lagu kufsaday iyo Ninbaa la tooriyeeyay, xalay oo ugu dambaysay magaalada waxa ka dhacay waad la socotaan. Waxaanu ka qaadaynaa tallaabo adag Nin walooba caruurtaada guriga ku hayso.”

 Somalilandpost.net