Guddoomiyaha GAAROODI Oo Ka Dayriyay Xaaladda Abaareed ee Degmooyinka Salaxley iyo Balli-mataan

Hargeysa (SLpost) – Guddoomiyaha ururka Gaaroodi Dr. Cali Xasan Xirsi ayaa ka dayriyay xaaladda abaareed ee degmooyinka Sallaxley iyo Balli-Mataan oo ka tirsan gobolka Maroodijeex ee Somaliland.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in socdaal uu dhawaan ku tagay inta badan deegaanada degmooyinkaasi uu kusoo arkay xaaladda abaareed oo aad u adag una baahan in si degdeg ah wax looga qabto, isagoo baaq iyo qaylo dhaan u kala diray xukuumadda iyo ganacsatada  si dadka ay abaartu saameysay loogu gurmado.

GAAROODISodaalka guddoomiyuhu ugu kuurgalayay xaaladda abaareed ee degmooyinkaas ayaaa waxa ku wehelinaayay xubno ka tirsan ururka Gaaroodi oo ay kamid  ahaayeen; Cabdiqani Muxumed Jaamac Khasnajiga ururka iyo Cabdinaasir Cabdi Xasan oo ah xubin ka tirsan ururka.

Deegaanada ay socdaalka ku mareen isla markaana ay u kuurgaleen xaaladda abaareed ayaa waxa kamid ahaa; Toon, Hundulli, Qoolcadey, Salaxley, Kaamtuug, Ina guuxaa, Laanqayraha, Qoolbuulale, Higlada, Libaax qawdhama, Lebisagaale, Balliga Ismaaciil Yoonis, Wacays Oodane, Maxamed Daa’uud, Qoton, Xadhigxadhig iyo Sharma’arke.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha ururka Gaaroodi ayaa waxa uu sheegay in deegaanada kale ee ka tirsan degmooyinka Salaxley iyo Balli-mataan ee aanay weli gaadhin isla markaana u kuurgalin xaaladdooda abaareed ay dhowaan tegi doonaan.