Marka hore waxan salaam gobanimo udirayaa dhamaan umada reer Somaliland iyo weliba bahwaynta saxaafada.
Akhriste waxan manta qalinka iyo warqada isu saaray iguna dirqiyay inan maqaalkan diyaariyo arrin aanu ka adkaysteen qof in uun ay damiirkiisa ku negtahay wadaninimo iyo inu ka dhiidhiyo wax kasta oo shuruucda wadankan baal marsan.
Dhawr cisho uun kahor ayay ahayd markii madaxweynaha Somaliland md. Axmed Siilanyouu soo saaray digreeto mamnuucaysa in hantida qaranka loogu ololeeyo amaba loo adeegsado ururo ama xisbiyo siyaasadeed gaar ah, haday tahay xisbul-xaakim iyo mid mucaarid toona.
Hadabo waxa waajiba in marka xeer sharci ah lasoo saaro in la dabaqo amaba sidiisa loo fuliyo, balse waxa xeerkaas durbadiiba qarda-jeexay kana talaabsaday amaba baal isaga leexiyay gudomiyaha degmada SABO-WANAAG MR. CALI GALAB HUGUR (CALI-TUUR).
Akhriste sawirka ka dhex muuqda maqaalkan ayaa ah mid iftiiminaya isla markana marag unoqonaya sharci darada uu ku kacay gudoomiyahani.
Gudomiye Cali-tuur ayaa sawirkan laga qaaday isaga oo gaadhigiisan dawladu leedahay ugu ololaynaya kuna dhejiyay sawirka mid kamida shakhsiyaad sheegay inay usharaxanyiin doorashada golaha deegaanka ee caasimada Hargeysa kana sharaxan urur siyaasadeedkaWADDANI.
Gaadhigan oo noociisu yahay seeraf madaw lanbarkeduna yahay GT 793 isla markaana sida aad aragtaan dabada lagaga dhejiyay sawirka qof dumara oo ka sharaxan urur siyaasadeedkaWADDANI.
Maalmo yar uun kahor ayay ahayd markii gudomiyeCALI-TUUR lasoo daayay iyada oo loo xidhay arrimo musuqmaasuq oo lagu soo eedeeyay, balse waxa muuqata inu weli sii wado ololahan sharci darada ah oo intaan madaxweynuhu mamnuucin uu hore ugu jiray.
Isku soo wada xooriyoo xukuumadan madaxweyneAxmed Maxamed Maxamuud Siilanyo ayaa lugu naanaysaa amaba baadi sooc looga dhigaa mid la mataano ah oo uu ragaadiyay musuqmaasuq.
Ugu danbayntii waxan usoo jeedinayaa madaxweynaha inuu si degdega wax uga qabto gudomiyahan kor ku xusan iyo masuuliyiinta kale ee arintan oo kale ku kacdaba, waayo hadii aan manta talaabo laga qaadin gudomiyahan waxay horseedi kartaa in masuuliyiin kale oo qaranka katirsani ku dhiiradaan arrintan foosha xun.
Mudane madaxweyne waxan kuusoo jeedinayaa in madax iyo mijo, muxaafid iyo mucaarid sharcigu isku si uqabto oo aan qofna sharciga kor marin.
Mudane madaxweyne waxad tahay mas’uulkii qarankan ugu sareeyay, diirad kastoo xukuumadan lugu eegaana shakhsiga ay soo qabanaysaa waa adiga, sidaa daraadeed waa inaad fiiro gaara uyeelataa arrimahan kor ku xusan.
Wabillahi tawfiiq.
By: Abdi rahman Shandaqiiqo
Hargeisa, Somaliland.