Guddoomiyaha DAHABSHIIL iyo Masuuliyiinta Shirkadda oo Tacsi u diray Geerida Guddoomiyaha Baanka Jabuuti

Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd
Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd

Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil, Xaaji Maxamed Siciid Ducaale, Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil, Cabdirashid Maxamed Siciid, Maamulaha R& FE Cabdiraxmaan Cali Cabdi, COOga R&FE, Cabdirashid Faarax Axmed, Maamulaha Ganacsiga, Nuux Siciid Ducaale, Maaulaha SOMTEL, Awil Saalax, Maamulaha DBI, Dr. Suleiman Walhad,  iyo dhammaan saraakiisha, hawlwadennada, Wakiillada iyo Macaamiisha Shirkadda Dahabshiil waxay tacsi tiiraanya badan u dirayaan qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuum Jaamac Maxamuud Xayd, Guddoomiyihii Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Jabbuuti oo  Ilaahay oofsaday 11 January 2013. Alle ha u naxariisto, samir iyo iimaan sugan oo saadiq ahna ha ka siiyo qoyskiisa, eheladiisa, asxaabtiisii iyo dhammaan shacabka Somalida, gaar ahaan Shacabka reer Jabbuuti; marxuumkana Eebbaheen Jannadii Fardowsa Eebbe ha ku abaalmariyo. Aamiin. Aamiin.