Guddoomiyaha Cusub ee Togdheer oo Si Rasmi ah Xilka uga kala Wareegay Badhasaabka Hore ee Gobolkaas

Burco (SLpost)- Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Togdheer Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarje), ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay Badhasaabkii hore ee Gobolkaa Cabdo Axmed Ayir.

Munaasibad ballaadhan oo ay xilka kula kala wareegeen labada guddoomiye oo lagu qabtay barxadda hore ee xarunta maamulka Gobolka, ayaa waxa ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan Dawladda dhexe, maamulka degmada Burco, Masuuliyiinta laamaha kala duwan ee dawladda ee heer Gobol, madax-dhaqameed, aqoonyahan, Haween iyo marti sharaf kale oo badan.

xilwareejin

Ugu Horayn Munasibaddaasi  ka hadlay Cuqaal iyo Salaadiin ka mid ah madax dhaqameedka Gobolka, kuwaasoo si weyn u soo dhaweeyey Badhasabka Cusub ee Gobolka islamarkaana sii  Sagootiyey Badhasabkii hore ee Togdheer, waxaana ay mahad-naq ballaadhan u jeediyeen Guddomiyihii hore ee Gobolka Cabdoo Axmed Aayir oo ay sheegeen inuu ahaa Masuul Taariikh weyn kaga tagay Togdheer islmarkaana gacan weyn ka geystay horumarka balaadhan iyo Iskaashiga Bulshada.

Maayir Magaalada Burco Maxamed Yuusuf Cabdi (Maxamed Muraad) oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay Milgaha Dowladnimo ka mid tahay isku beddelka Xilalka. Sidoo kale waxaa uu Sagootiyey Gudoomiyii  Hore ee Gobolka Togdheer  Cabdoo Aayir oo uu ku sifeeyey inuu ahaa Masuul ka soo baxay Xilka loo igmaday.

Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayir ayaa isaguna halkaasi ka soo jeediyey khudbad u badnayd waxyaabihii u qabsoomay muddadii koobnayd ee uu xilka hayey, isago halkaasi kusoo bandhigay wax qabad balaadhan oo laga fuliyey Gobolka Togdheer iyo Degmooyinkiisa Kala Duwan ee uu ka kooban yahay Gobolku.

Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Togdheer Horena U Ahaa Gudoomiyihii Gobolka Maroodi Jeex Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje) ayaa ka mahad celiyey Soo dhaweynta ay ku qaabileen Bulshada ku dhaqan Gobolka Togdheer. Guddoomiye Xamarje oo ay dareen-farxadeed ka muuqday wejigiisa, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay soo beddelitaankiisa iyo gobolka uu yimid, isaga oo codsaday inay si fiican ula shaqeeyaan qaybaha bulshada iyo maamulka degmadu, isago dhankiisa ballan qaaday inuu daacadnimo iyo hawlkarnimo ugu shaqayn doono.

Xamarje

Wasiir ku-xigeenka Dhinaca Amniga ee wasaarada Arrimaha Gudaha Md Cabdilaahi Abokor oo xilka u kala wareejiyey labada masuul, ayaa dadweynaha gobollada Awdal iyo Togdheer amman ballaadhan u soo jeediyey oo uu ku tilmaamay dadka ugu wanaagsan reer Somaliland.

Wasiirku waxa uu labada Guddoomiye ee xilka la kala wareegay ku sheegay laba masuul oo mujaahidiin ah oo nasiib u helay inay in loo magacaabo laba gobol oo taariikh weyn ku leh Somaliland, waxaanu intaas ka dib xilka u kala wareejiyey Guddoomiyaha Cusub ee gobolka Togdheer Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarje) iyo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Cabdoo Axmed Ayir oo wakhtigan ah Guddoomiyaha Gobolk Awdal.

Somalilandpost.net