Guddoomiyaha Cusub Ee Maxkamadda Sare Oo Xilkii La Wareegay

Hageysa, (SLpost)- Guddoomiyaha Cusub Ee Maxkamada Sare Ee Somaliland Aadan X Cali Axmed ayaa xilkii kala wareegay guddoomiyihii hore ee maxkamada sare.

Xaflada xilka ay kula kala wareegayeen masuuliyiintani ayaa lagu qabtay xarunta maxkamada sare ee magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qaybgalay masuuliyiin ka kala socotay Garsoorka, Xukuumada, Wakiilada, Guurtida, Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Madaxdhaqameed iyo marti sharaf kale.
Guddoomiye Ku Xigeenka Maxkamada Sare oo ugu horreyn xafladani ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan aad ugu faraxsanahay muddadii aanu soo wada shaqaynay Guddoomiyihii hore oo runtii ahaa nin howlkar ahaa, sidoo kale waxaan soo dhawaynayaa Guddoomiyaha Cusub ee maanta xilka la wareegaya oo aan leeyahay Guddoomiye Soo dhawoow kuna soo dhawoow bahdii cadaalada ee aad hore ugu tirsaneyd”.Guddoomiyaha maxkamadda sare
Guddoomiyihii hore ee Maxkamada Sare Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa isna warbixiyay Marxaladihii uu la soo maray Maxkamada Sare “Waxa farxad ii ah inaan hoolka maxkamada sare isugu nimi Xilwareejintii aniga iyo Guddoomiyaha Cusub kolay maanta dastuurkeenu xaga aqoonta waxa uu marayaa meel wanaagsan, laakiin waxa jirta oo aan waxba ka kordhin Garsoorka dalka oo dawladihii kala dambeeyay waa kala hagradeen run baan ku hadlayaaye Guddoomiyihii Maxkamada Rafcaanka ka dhintay iyo ka xanuusanaya cidna ubadkiisa ma oga.
Haddaba Maanta meel wanaagsan ayaynu maraynaa dawladnimadeenu waa inoo taabo gashay anigu ma ihi shaqsi ahaan qof xil jecel kolay markhaatina waa laga yahay masuulka joogaa maxkamada sare waxa uu gashan yahay shaadhkii Maxkamada dastuuriga aheyd kolay Aadan Waa Nin aanu in badan soo wada shaqaynay waxaan leeyahay si kal iyo Laab ah ayaan ugu wareejinayaa.
Guddoomiyaha Cusub ee maxakamada sare Aadan Xaaji cali ayaa ka waramay qorshihiisa “Maanta waxa farxad weyn ii ah inaan halkan kula wareego xilkii dhawaan madaxweyne Silaanyo ii soo magacaabay, waxa sharaf ii ah inaan kula wareego Gudaha Maxakamada Sare, Yuusuf-na waxaan u mahad naqayaa heerka uu soo gaadhsiiyay Maxkamada Sare, halkani waa meel canaan badan oo cabasho badan haddii maanta aad wax wanaajiso mid ayuunbaa kuu cadhoon labadii qof ee aad kala xukuntay.
Waxaan mar kale ku faraxsanahay in aan maanta la wareego xilkii lay soo magacaabay dhawaan waxaan idinka codsanayaa in aad ii ducaysaan in Alle I fudaydiyo .
Waxa kale oo xafladani ka hadlay masuuliyiin kale oo ka waramay ahmiyada cadaaladu leedahay.

Somalilandpost.net