Guddoomiyaha Cusub Ee Maxkamadda Sare Oo Kormeerkiisii U Horeeyay Ku Sameeyay Xarumaha Caddaalada

Hargeysa, (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland  Aadan Xaaji Cali, ayaa sheegay in loo baahan yahay in hoos loo daadejiyo adeegyadda maxkamaddaha si culayska looga qaado maxkamadaha qaarkood.

Guddoomiyuhu waxa uu sidaas ka sheegay ka dib markii uu khamiistii kormeerkiisii ugu horeeyay ku soo maray qaar ka mid ah laamaha maxkamadda degmadda Hargeysi ka furatay degmooyinka magaaladda qaarkood.

.Guddoomiye  Aadan Xaaji Cali oo ka hadlay kormeerkan ay ku soo maray  a Maxkamadda Degmooyinka  Hargeysa aya sheegay ina uu xog ogaal u noqonayay caqabadaha ka hor yimi waaxyahan hoos yimaada Maxkamadda Degmadda waxaana uu tilmaamay in loo baahan yahay in maxkamaddaha hoos loo daadejiyo.

“Waxaannu  doonaynay in aanu xog ogaal u noqono caqabadihii ka hor yimid  aanu aragno maxkamadaha waaxaha  magaaladda ku yaallaa. Waxaan doonaynaa inaanu wax ka baranno annagoo ka fikirayna  mustaqbalka  in qeybo kale oo ka mid ah garsoorka la daadejiyo oo heer degmo la gaadhsiiyo.  Markaa intaan tallaabo la qaadin waa inaad ogaataa wixii hore ee la u noqoto bal wixii hore in la daadejiyay halkuu dambeeyay  iyo caqabado ah ee  jira,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda sare.

Guddoomiye Aadan Xaaji Cali waxa uu ku dooday in laamaha maxkamadda degmaddu ka furatay degmooyinka caasimaddu ay  qabteen wax-qabad weyn oo culays ka qaaday maxkamadii degmadda, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaa aanu soo marnay afar waaxood oo maxkamadda degmadda ah oo wax-qabad weyn haya, maxkamadda degmaddana culays  weyn ayay ka qaadeen ta ugu weyn ayaa boqol dacwadood lix bilood soo galaan. Kuwaasi oo iskugu jira  madaniya ama qoys ah iyo dacwadaha ay awooda u leeyihiin inay qaadaan. Waanay ku guulaysteen wax racfaan ahna lagama qaadan dadkuna aad ayay ugu farxeen.”