Guddoomiyaha Baanka Somaliland oo ku baaqay inay Wasaaradda Ganacsigu tallaabo ka qaado sixir-bararka maceeshadda

Hargeysa,  (SLpost)- Guddoomiyaha Baanka Somaliland Md. Cabdi Dirir Cabdi, ayaa sheegay inaanu dalka ka jirin wax lagu sheegi karo sixi-barar, balse ay waddanka ka jirto wax uu ugu yeedhay maceeshad-barar ay sababteeda leeyihiin Tijaartu.

Guddoomiyuhu waxa uu ka hadlay inuu baanku diyaar u yahay sidii qiimaha sarifka meel ugu ilaalin lahaa, si aanu ummadda noloshooda saamayn ugu yeelan guur-guuridiisu. Guddoomiyaha oo arrintaa iyo kuwo kale ka hadlay, waxa uu ku bilaabay, “Horta dalka sixir-barar hada kama jiro, laakiin waxa ka jiraa waa maceeshad-barar, waxaana taas sababteeda iska leh oo ka masuul ah ganacsatada oo aan u naxariisanayn shicibkan aan waxba haysan, waliba hadaan la xakamayn ganacsatada oo aan la ogaan waxay maceeshada saarayaan waxay nafta kaga jarayaan dadka, mana yaqaanaan sida dadka wax loogu jebiyo, taana waxaa ka masuul ah oo wax ka qaban karaya Wasaarada Ganacsiga, sababta oo ah anagu waxaanu xukunaa sarifka lacagaha, waxaananu ilaalinaa inay dadkeena wax u jaraan qoloba waxay haysato.” Waxana uu intaa ku daray guddoomiyuhu oo uu yidhi, “Waxay ahayd marka doolarku jabo in dadka qaata somaliland shilin-ka ay noloshoodu kor u soo kacdo oo lacagteenu wax u jarto laakiin…”

“Waxaad ogtahay in dadkeenu ay ku kala tiirsan yihiin lacagta somaliland iyo dolarka, markaa waanu ku qasbanahay inaanu labadaba noloshooda ilaalino, balse immika waxa jiraa waa maceeshad-barar, taana waxaanu rajaynaynaa inay wax ka qababto Wasaarada Ganacsigu oo weliba aanu is-kaashi ka wada yeelano anaga oo ka masuul ah isku-bedelka lacagaha iyo ilaalinta suuqa sarifka iyo wasaarada ganacsiga oo iyana ka masuul ah maceeshada. Illaa labadaa la iska kaashadana lagama baxayo maceeshad-bararka,” ayuu hadalkiisa raaciyay Guddoomiyaha Baanka Somaliland.

Mar uu ka hadlayay Guddoomiyuhu xiliga ay dalka imanayso lacago 1000 iyo 5000 SLsh ah oo uu Baanka Somaliland soo daabacayo, waxa sheegay inay lacagtaasi imanayso bisha 12aad ee sanadkan, isla markaana waxa uu xusay inay awood u leeyihiin sidii ay Doollarka ugu ilaalin lahaayeen halka uu haatan marayo.

Xigasho: Ogaal