Guddoomiyaha Awdal Oo Sheegay In CEELSHEEKH Ka Tirsantahay Gobolka Awdal

Borama(SLpost)-Guddoomiyaha gobolka Awdal Saleebaan Ramaax ayaa sheegay in xeebta Ceelsheekh ka tirsan tahay degmada Lughaya ee Gobolka Awdal wakhti uu kormeer ku marayay xeebaha gobolka Awdal.

Guddoomiye Ramaax ayaa sheegay in xuduuduhu yihiin sidoodii isla markaana degma kasta oo cusub ku koobnaan doonto shan kilmotiro.

“Waxaan aaminsanahay inay xuduuduhu sidoodii hore yihiin oo aanay jirin xuduud cusub oo la sameeyay aanay jirin,Degmooyinka cusub ay ku kooban yihiin 5KM oo kaliya sida Darasalaam oo kale”ayuu yidhi Ramaax.

Guddoomiyaha Gobolka Awdal Ramaax ayaa sheegay in ay kulmeen maamulka Degmada Daarasalaam isla markaana sannadkan ay doorashadu ka dhici doonto oo aanay xidhnaan doonin.

“Waanu kulannay maamulka degmada Daarsalaam,degmadana waanu tagnay annagoo ka hadlayna sannadkan inaanay sidii u xidhnaan doonin ,waanu ka hawl galay anniga iyo wasaaradda iyo guddoomiyaha Saaxil”ayuu yidhi guddoomiye Ramaax.

Guddoomiyaha Gobolka Awdal waxa uu sheegay in xeebta Ceelsheekh ka tirsantahay gobolka Awdal,isla markaana aan lagu murmi karin.

“Waxaan aaminaysahay inay Ceelsheekh kala qaybsi Borama iyo Berbera kan,waana taasi ta aan guddoomiyaha Borama u ahay,waanan tagayaa isha allaah Ceelsheekh,Ceelsheekh waxa ay ka tirsantahay Lughaya Berberina dhinacaasi ayay uga rogmataa,markaa khilaaf uu wuu jiraa laakin Ceelsheekh waxa ay wax u tari lahayd Lughaya” ayuu yidhi Guddoomiye Ramaax.

Deegaanka Ceelsheekh ayuu ka jiraa khilaaf ba’an oo u dhexeeya Goboladda Maroodijeex,Awdal iyo Saaxil,taasi oo sababtay inaan waligeed la dhigin sanduuqa codaynta ee doorashooyinkii kala dambeeyay ee Somaliland.

Somalilandpost.net

Hargeysa-Somaliland