Guddiida Doorashooyinka Qaranka oo Qabsoomidda Doorashada Goleyaasha Deegaanka u muddeeyey Dabayaaqada Sannadkan

Afhayeenka Guddida Doorashooyinka

Hargeysa (SLpost)- Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa caawa si ramsi ah u mudeeyay xiliga la qabanayo doorashada goleyaasha deegaanka dalka oo ay u asteeyeen in la qabanayo dabayaaqada Sannadkan.

Sidaasi waxay Gudida doorashooyinka Somaliland ku sheegeen shir jaraa’id oo uu caawa fiidkii ku qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa Afhayeenka Komishanka doorashooyinka qaranka Md. Maxamed Axmed Xirsi (Geelle).

“Waxaynu sugaynay doorashada muddo dheer, waxa markii Goleyaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo wakiiladdu ansixiyeen xeerkii doorashada oo madaxweynaha u gudbaya, ayaanu garanay inaanu cayino xiliga ay qabsoomayso doorashada deegaanku. Iyadoo ay noo soo dhamaadeen shuruudihii iyo asbaabihii ay u baahnaayeen qabsoomida doorashadda oo kala ahaa dhaqaalaha, in la helo sharcigii, iyo in la helo farsamadii lagu galayay doorashada,”ayuu yidhi Afhayeenka dooorashada Goleyaasha deegaanka.

Md. Maxamed Axmed oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Markii Komishanka doorashada Goleyaasha deegaanku waxa uu si rasmi ah u go’aamiyay xiliga la qabanayo doorashooyinka goleyaasha deegaanka oo uu cayimay inay qabsoonto maalinta Arbacadda ee 28-ka November 2012-ka oo ku beegnaan doonta 14-ka Bisha Muxaram ee 1434 ee taariikhda Hijriyadda Islaamka.”

Afhayeenka Komishanka doorashooyinka qaranka Md. Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) waxa uu sheegay in komishanku ay go’aamiyeen inay cayimaan doorashada Goleyaasha deegaanka ka dib markii sida uu sheegay labada aqal ee baarlamaanku ay meel mariyeen lifaaqii shanaad ee xeerka doorashooyinka oo jidaynaya in Murashaxiinta doorashada deegaanka loo sameeyo Lambaro astaamo u noqon doona.

Afhayeenku waxa uu intaasi ku daray in qaadhaan-bixiyeyaashii caalamka ee Somaliland ka taageera dhaqaalaha doorashooyinka iyo kobcinta Dimuqraadiyadu ay aqbaleen inay bixiyaan kharashaadkii doorashada lagu suurto gelin lahaa oo dhan 75%, halka xukuumadda Somaliland-na ay hore u shubtay dhaqaalihii l25% ahaa ee ay xukuumaddu ku bixiso doorashooyinka.

Md. Maxamed Axmed Xirsi waxa uu xisbiyada iyo ururadda siyaasadda u soo jeediyay inay u diyaar-garoobaan doorashada deegaanka, iyadoo uu tilmaamay inay wakhtiyo cayiman oo ay axsaabta iyo ururadda siyaasadu ay ku soo gudbiyaan murashaxiinta doorashada goleyaasha deegaanka.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net