Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan reebista oo yeeshay Guddoomiye Cusub

Hargeysa, 28 January, 2012 (SLpost)– Xaflad Balaadhan oo loo Sameeyay Caleemo Saarka Gudoomiyaha Cusub ee Gudida Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista ayaa caawa lagu Qabtay hotel Maansoor ee magaalada Hargeisa.

Munaasabadan oo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh.Khaliil C/laahi Axmed,Gudoomiyaha Maxkamada Degmada, Hogaanka Gudida ee Gobolada Dalka, Culimaa udiinka Somaliland iyo Taliska Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa lagu caleemo-saaray Guddoomiyaha Cusub ee Guddiga ka dib markii uu dhawaan geeriyooday Alle ha u Naxariistee Xaaji Dool oo ahaa Gudoomiyihii hore ee Gudida Wanaag farista iyo Xumaan reebista.

Wasiirka Diinta iyo Aw Qaafta Somaliland Sh.Khaliil C/laahi Axmed oo ugu horayn Xafladaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in Xaflada tan ay ugu Ducaynaynayaan Alle Ha unaxariistee Hogaankii hore ee Gudida Wanaag farista iyo Xumaan Reebista Xaaji dool isla markaana ay ku Caleemo saarayaan Xilka hogaanka Cusub ee Gudida, Sh.Khaliil waxa uu ka Waramay Fadliga uu leeyahay hawsha ay gudidu gacanta ku hayso, taasi oo u baahan In la iska kaalmaysto Wanaag Farista iyo Xumaan reebista,Waxaanu aad ugu dheeraaday kaalinta Xukuumad ahaan ay ku leeyihiin Hawlaha gudidu Gacanta ku hayaan oo aanay cid gaar ahi fulin Karin, una Baahan iskaashi iyo Wada jir in looga hortago Xumaanta.Wasiirku Waxa uu Sheegay in ay Hiil iyo hooba la garab taaganyihiin gudida oo ay isku xidhnaan doonaan si ay iskaga kaashadaan Wanaag Farista, isaga oo xusay in ay Wax kasta oo ay uga baahdaa la garab taaganyihiin

Gudoomiye ku Xigeenka Gudida Wanaag farista iyo Xumaan Reebista  Sh.Cawil Xuseen oo isaguna  Xaflada ka hadlay ayaa u mahadnaqay kasoo qayb galayaashii Xaflada Waxaanu ka Waramay ujeedada Xaflada iyo Waxqabadka Gudida “Waxaynu iskugu nimi wax aynu wada leenahay oo aynu wada qabanay, markaa wixii aynu wada qabanay ayuunbaan ka sheekaynayaa, maalka aanu ku shaqayno Dadwaynaha ayaa leh, Gacantana Dawlada ayaa leh, anagu Dhawaaqa ayuunbaanu umadda Gaadhsiinaa” Waxa kale oo uu intaasi ku daray “Waxaynu jirtay 12 Sano, waxaynu ka Aasaasnay hargeisa, Gobollada oo dhan ayaa laga Aasaasay, Waxaa inoo hadhay Gobolka Sool oo qudha, maanta waxaynu soo gaadhsiinay meel wanaagsan, waxaana mahadaa leh dadwaynaha, 11-ka baabuur ee aanu leenahay waxaa iibiyay dadwaynaha”

Waxa kale oo uu sheegay in ay Qabteen 36 Sixir, 400 boqol oo qof oo diin cay ku kacay isaga oo Faahfaahin ka bixiyay Goobaha ay wax ka qabteen sida Guryaha lagu qayilo, meelaha waxa lagu Cabo iyo Goobaha Dhalinyaradu istaagaan“Mar haddii uu gudoomiyihii geeriyooday waxaanu la tashanay Dadwaynaha Sh.Maxamed maxamuud xaaji, waxyaabaha loo baahanyahay in la qabto waxaa ugu horaysa ee uu sheegay in shaqadii la kordhiyo, waxaa kale oo uu xusay in Gudoomiyaha danbe uu yahay nin yar oo ilbax ah oo aanu isleenahay hore ayuu u kicin karaa Gudida iyo hawleheeda, Goboladii ayaynu gaadhsiinay dacwadiiye waa in aynu degmadii gaadhsiinyo, Gudidu guri kiro ah ayay ku jirtaa markaa waa in la helaa in Guri loo dhiso” ayuu yidhi Sh.Cawil

Gudoomiye ku Xigeenka Gudidu Waxa uu Sharaxay Waxyaabaha horyaala gudida oo ay ugu wayntahay la dagaalanka mukhaadaraadka, Xumaha iyo diimaha la fidinayo Waxa uu ku dheeraaday in lala Shaqeeyo Gudoomiyaha Cusub ee Gudida oo la filayo inuu isbedel ka sameeyo Gudida oo la horumariyo dacwada, bulshada qaybaheeda kala duwana la isku xidho.Waxa uu si gaar ah ugu mahadnaqay wasiirka Diinta iyo Awqaafta iyo Ciidamada Booliska Somaliland oo uu sheegay, waxa uu xusay  in ay Wasiirka Awqaaftu kaalin wayn ugu jiro Gudida Wanaag farista iyo Xumaan reebista

Sh.Sacad X.maxamed Wakiilka hayada ee Gobolka Todheer oo isaguna Madasha ka hadlay tilmaamay Afar qodob, oo ay ka mid ahaayeen Wax qabadka hayada ee Gobolka Todheer oo uu xusay in ay Wax wayn ka qabteen intii ay Deganaayeen Gobolkaasi oo ay gacan wayn ka heleen Booliska iyo maamulka Gobolka.

Waxa uu sheegay in Gobolka uu Khamrigu meel walba ka furnaa oo Maamulka Gobolka iyo Gudida Wanaag faraista iyo Xumaan reebistu iska kaashadeen isla markaana Tirtireen

Caleemo Saarka Gudoomiyaha Gudida oo uu sheegay inay u ducaynayaan, maadaama oo loo gartay waxaa muhiim ah in la garab galo ayuu yidhi Sheekh Sacad.Waxa kale oo uu ka Warbixiyay Fadliga uu leeyahay Camalkani ay gudidu fuliso, kaasi oo uu sheegay in illaahay S.W.T quraankiisa kaga hadlay Wanaaga in la isfaro Xumahana la iska Reebo, markaasi ayaa la noqonayaa umadda ugu khayrka badan

Sh.Axmed Cabdi jaamac Gudoomiyaha Gudida ee Gobolka Saaxil oo isaguna Hadal kooban halkaasi ka jeediyay ayaa Tacsi u diray qoyskii iyo Qaraabadii uu ka Baxay gudoomiyihii hore ee Gudida, waxaanu illaahay uga baryay gudoomiyaha cusub in illaahay Xilka ku Asturo.

Sh.Axmed Waxa uu ka Waramay Waxqabadka Gudida ee Berbera oo uu sheegay in ay tahay Goob loo dalxiis yimaado gaar ahaan wakhtiyada Ciidaha, oo loo dalxiis  yimaado Batalaale, waxaanay u sameeyeen Seddex qaybood oo lagu kala saaro dadka badda gala kuwaasi oo kala ah, qaybta Anjabiga iyo labada qaybood ee raga iyo Dumarka. Gudoomiyuhu waxa uu xusay in maareeyaha dekada Berbera Eng.Cali xoor xoor dhawr jeer u balan qaaday inuu gaadhi u iibin doono balse aanay wali suurto galin.

Sh.ibraahin Meecaad Xasan oo  ah Xoghayaha Gudida ee Gobolka Awdal oo isaguna hadal kooban ka jeediyay madashaasi ayaa isaguna illaahay uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo Xaaji dool oo ahaa Gudoomiyihii hore ee Gudida kaasi oo uu sheegay inuu ayaa Shaqsigii ugu horeeyay ee Seeska u dhigay Gudidan, waxa kale oo sharaxaad ka bixiyay sida ay Waajibka u tahay in Wanaaga la isfaro Xumaantana la iska Waaniyo.

Sh.ibraahin waxa uu ka Warbixiyay Waxqabadka Gudida, Waxaanu ka Codsaday Xukuumada in ay garab galaan oo ay laban laabaan waxqabadkooda, waxaana uu sheegay in gudoomiyihii geeriyooday uu la waday hawlo badan oo ay ka mid ahayd in loo iibiyo gaadhi kaasi oo uu sheegay in gudoomiyaha cusub halkaa ka sii amba qaadi doono.

Gudoomiyaha Cusub ee Gudida Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista Sh.Maxamed X.Maxamuud Xiiray oo Xaflada soo xidhay ayaa Mahadnaq usoo jeediyay Culimadii iyo dadwaynihii kale ee ka qayb galay, waxa uu sheegay in Wanaag badan meesha lagaga hadlay, hawl badanina hor taalo oo Culays badan la saaray lagana sugayo in laga midho dhaliyo, taasi oo uu sheegay in Mudantahay in la iskaashado oo cudud midaysan laga yeesho sidii Wanaaga loo hurmarin lahaa Xumahana loo tirtiri lahaa.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net