Guddiga Tacliinta Sare oo Muddeeyey Wakhtiga Qabashada Shahaadooyinka Murashaxiinta Goleyaasha Deegaanka

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Komishanka Tacliinta sare ee Somaliland Saleebaan Dirir Cabdi, ayaa shaaca ka qaaday inay maalinta Berri si rasmi ah u bilaabayaan qabashada shahaadooyinka murrashaxiinta u tartamaysa Doorashada Goleyaasha Deegaanka ee derajada 1aad oo ah Shahaado heerka koowaad ee Jaamacadda ah.

Guddoomiye Saleebaan Dirir waxa uu xusay in ay shaqada hubinta iyo qabashada shahaadooyinka ee uu jeediyey Xeerka doorashooyinka Xr Lr 91/2020 ee murrashaxiinta Goleyaasha Deegaanka ee 7 Degmo oo derajadoodu tahay A ay Komishan ahaan qabanayaan shahaadooyinka iyo Sooyaalka waxbarasho ee Murrashaxiintaasi.

Waxa uu Guddoomiyaha Tacliinta sare ku war geliyey Murrashaxiinta Goleyaasha Deegaanka ee Degmooyinka derajada A inay Xafiiska guddiga Tacliinta sare oo ku yaalla nawaaxiga Xarunta Akademiyadda Nabadda ee Hargeysa u gudbiyaan Shahaadada Jaamacadda ee heerka koowaad iyo Shahaada Dugsiga sare.

Guddoomiye Saleebaan Dirir waxa uu sheegay in ay aad u hubinayaan Shahaadooyinka, isaga oo xusay in wakhtigan si fudud loo samaysan karo shahaado Jaamacaddeed si ay taasi uga gaashaantaana la hubin doono Shahaadada Dugsiga sare iyo sooyaalkii waxbarasho ee qofka murrashaxa ah.

Somalilandpost.net