Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo Baahiyey Shan Mashruuc oo loo tartamayo iyo Xilliga loo muddeeyey

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta shaaciyey Mashaariic loo qabanayo hay’adaha kala duwan ee dowladda, kuwaas oo intooda badani yihiin dhismeyaal cusub iyo Dayac-tir lagu samaynayo Xarumaha hay’ado ka tirsan dowladda.

Mashaariicda ayaa lagu shaaciyey Qoraal uu ku saxeexan yahay Agaasimaha Guud ee Guddiga Qandaraasyada Qaranka Maxamed Axmed Xasan (Jabarti-Saadle), kaas oo lagu faahfaahiyey noocyada kala duwan ee Mashaariicda la fulinayo, waxaana lagu wargeliyey Shirkadaha dhismaha ee Waddani ah ee danaynaya ka-qayb-qaadashada tartanka mashaariicda inay Xarunta Guddiga Qandaraasyada u doontaan foomamka iyo Macluumaadka kale ee la xidhiidha tartanka Mashaariicda oo loo muddeeyey inay soo xidhmayaan 01-da Bisha October.

Qoraalka lagu baahiyey Qandaraasyadan oo sumaddiisu tahay GOD/08/63/2019 kuna taariikheysan 23/09/2019,  ayaa u qornaa sidan:  “Xafiiska Guddiga Qandaraasyada Qaranku wuxuu baahinayaa isla markaana ku wargelinayaa Shirkadlayda Dhismayaasha reer Somaliland ee ka shaqeeya Hawlaha Dhismaha iyo Shirkadaha Iibiyaha Computer Tablets iyo Cid kasta oo danaynaysa u soo bandhigayaan Shan (5) Mashruuc oo dhismeyaal kala duwan ah iyo Computers Tablets oo loo doonayo Dowladda.

Faahfaahinta Dhismeyaasha iyo Computers Tablets, waxaa sida hoos ku qoran

S/N Nooca Mashruuca Faahfaahinta
1 Dayac-tirka iyo Dhismaha Wasaaradda Beeraha Dhisme Cusub & Dayac-tir
2 Dhismaha Xarunta Hay’adda La-dagaalanka Musuq-maasuqa Dhisme Cusub
3 Dayac-tirka iyo Dhisme Cusub oo lagu darayo Garoonka Kubadda Koleyga ee Tima-cadde Dayac-tir iyo Dhisme
4 Dhisme Cusub oo lagu kordhinayo Madbacadda Qaranka Dhisme Cusub
5 Dhismaha Xarunta Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada ee Gobolka Saraar Dhisme Cusub
6 Computers Gacanta lagu Qaato (Tablets) Computer Tablets

 

F.G: Waxa lala socodsiinayaa dhammaan tartamayaasha Sharafta leh in qaadashada Qandaraaska Dhismeyaashu uu xidhmayo 01/10/2019 oo ku beegan Maalin Salaasa ah, Saacaddu markay tahay 12:00PM. Waxaana la furi doonaa Qandaraaska Dhismeyaasha iyo Computers Tablets 02/10/2019 oo ku beegan Arbaca, Saacaddu markay tahay 10:00AM, waxaana lagu furi doonaa Xafiiska Guddiga Qandaraasyada Qaranka.

Haddaba, shirkadaha danaynaya Qandaraaska Dhismeyaasha iyo Computers Tablets, hakala soo xidhiidho Xafiiska Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo ku yaalla Guriga Shaqaalaha Dhexdiisa ama Galbeedka Dhismaha Cumar Xaashi Building ama kala soo xidhiidh telefoonnada kala ah: 0634471788 ama 0634400437.” Sidaas ayaa lagu sheegay Qoraal loogu talo-galay warbaahinta oo lagu baahiyey Qandaraasyada loo soo bandhigay shirkadaha dalka.

 

Somalilandpost.net
somalilandpost.net