Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo Shaaciyey Cidda ku guulaysatay Mashaariic laga Fulinayo Gobolka Badhan

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta shaaciyey Shirkadaha ku guulaystay mashaariic kala duwan oo loo tartamay, kuwaas oo ah mashaariic xukuumaddu ka hirgelinayso gobolka Badhan.

Tartanka Qandaraasyada iyo Shirkadaha ku guulaystay, ayaa lagu shaaciyey Kulan maanta ku qabsoomay Xarunta Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo ay goob-joog Xubnaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka, Wakiillo ka socda shirkadaha iyo Masuuliyiin kale.

Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen, ayaa faahfaahiyey qaabka loogu kala guulaystay Mashaariicda iyo shirkadaha Fulinaya.

Warkan oo faahfaahsan ka daawo muuqaalka Hoose