Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo ku dhawaaqay Shirkado ku guulaystay Mashaariic Xukuumaddu ka hirgelinayso Gobollada dalka

Hargeysa (SLpost)- Guddida Qandaraasyadda Qaranka Somaliland ayaa ku dhawaaqay shirkadaha ku guulaystay mashaariic loo tartamay ay xukuumadda Somaliland ka fulinayso qaar kamid ah goboladda dalka

Kulan ku qabsoomay xarunta Guddiga Qandaraasyada oo lagu shaaciyey shirkadaha ku guulaystay Mashaariicda iyo Noocyada ay yihiin waxa goob-joog ka ahaa masuuliyiinta ugu sar saraysa guddida qandaraasyadda Qaranka, Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland iyo wakiillo ka socday shirkadaha ku tartamay mashaariicda.

Ugu horeyn, waxa kulanka ka hadlay Guddoomiyaha Guddida qandaraasyadda Qaranka Somaliland Nuux Maxamed Xuseen oo ku dhawaaqay shirkadaha ku guulaystay qandaraasyada mashaariicda ay xukuumaddu fulinayso.

Mashaariicda Qandaraasyadooda loo tartamay ayaa kala ah dhismaha Xarunta Baanka Dhexe ee Faraca degmada Caynaba oo ay ku tartameen 19 shirkadood, waxaana ku guulaystay shirkadda Barako Group Construction.

Mashruuca labaad ayaa ahaa dhismeyaal iyo dayactir loo samaynayo Hay’ada U Diyaar-garowga aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka xaruntooda gobolka Saaxil, kaas oo ay ku tartameen 26 shirkadood, waxaana ku guulaysatay shirkadda Global Construction, sida guddoomiyuhu sheegagy.

Warkan oo maqal iyo Muuqaal ah kaga bogo Video-ga hoose

Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa guddida Qandaraasyadda Qaranka uga mahad-celiyey nidaamka ay tartanka ugu qabteen shirkadaha oo uu ku bogaadiyey.

Shirkadihii tartanka qandaraasyada ku guulaystayoo ugu dambayntii ka hadlay kulanka, ayaa ballan-qaaday inay si hufan u fulin doonaan mashaariicda isla markaana ay hay’adaha Qaranka u hirgelin doonaan dhismayaal tayo leh.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net