Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo kormeermay Mashaariic lagu hirgeliyey Gobolka Awdal

 

Boorama (SLpost)- Masuuliyiinta gudida Qandaraasyada qaranka Somaliland oo hawlo shaqo ku joogga gobolka Awdal ayaa kormeeray qaar kamid ah mashariicda dhisme ee laga fulinayo gobolka Awadal kaas oo gudidu horey u bixisay.

Komeerkaasi ayaa ujeedadiisu ahayd in gudida qandaraasyadu qiimeyn iyo dabagal ku sameeyaan halka ay marayaan mashaariicda laga wado gobolka Awdal. Waxayna dul tageen Dhismaha Biriijka way nee isku xidha Jaamacadda Cammuud iyo Boorama, Ceel biyood Madaxweynaha JSL ugu deeqay bulshada Boorama Xabsi laga dhisayo bariga magaalada Boorama iyo dhismeyaal lagu kordhinayo Cusbitaalka guud ee Boorama.

Agaasimaha waaxda kormeerka iyo dabagalka ee gudida qandaraasyada qaranka Eng Barkhad Baashe oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay dhammaan la kulmeen shirkadaha dhisaya mashaariicda ka socda gobolka isla markaana ay qiimeyn ku sameeyeen, waxaanu maamulka gobolka Awdal kula dardaarmay in laga faa’iideysto mashaariicdaasi la fuliyay.

Warkan oo Faahfaahsan ka Daawo Muuqaalka Hoose

Kormeerka Weftiga Guddiga Qandaraasyada iyo Gobollada ay soo mareen

Kormeerkan Guddigu ku tageen gobolka Hawd, ayaa noqonaya kii toddobaad ee ay ku galaa-bixiyaan gobollada dalka, iyaga oo hore u soo kormeeray mashaariic laga fuliyey iyo qaar ka socda gobollada Sanaag, Sool, Togdheer, Daadmadheedh iyo Saaxil.

Guddiga Qandaraasyada Qaranka ayaa 28-kii December, 2020 kormeerkoodii u horreeyey ka bilaabay Dhismaha Xarunta Jaamacadda degmada Garadag oo inteeda badan la dhammeystiray, waxaanay halkaas warbixin kaga dhegaysteen maamulka degmada oo xog-warran ka siiyey habsami-u-socodka dhismaha jaamacadda.

Waxa ku xigay kormeer ay 29-kii December ee sannadkii hore ku gaadheen degmada Ceerigaabo, waxaanay si gooni-gooni ah kormeer ugu sameeyeen dhowr mashruuc oo xukuumaddu ka hirgelisay magaalada. Mashaariicda oo dhismeyaal u badan waxa ka mid ah Dhismaha Aqalka Madaxtooyada ee Ceerigaabo, Dhismaha Xarunta Xeer-ilaalinta Gobolka, Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta, Dhismaha Deyrka Jaamacadda Sanaag University ee magaalada Ceerigaabo, Xarunta Ciidanka Birmadka iyo Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Ceerigaabo.

Sidoo kale, 30-kii December, waxa ay weftiga Guddiga Qandaraasyadu gaadheen magaalada Laascaanood, halkaas oo kulan ay la yeesheen maamulka gobolka kaddib ay kormeerkooda ku indho-indheeyeen mashaariic kala duwan oo xukuumaddu ka hirgelisay degmada Laascaanood, kuwaas oo ay ka mid yihiinkuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha Xarunta Dab-demiska ee Laascaanood iyo Dib-u-habayn lagu sameeyey Garoonka kubadda Cagta ee magaaladaas.

Weftiga oo ku gudo-jira safarkooda ay ku kormeerayaan mashaariicaha xukuumaddu hirgelisay oo ay guddi ahaan uga masuul yihiin bixintooda iyo hubintoodaba, ayaa 31-kii December kormeer ku sameeyey dhowr mashruuc oo xukuumaddu ka hirgelisay magaalada Burco, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismeyaal lagu kordhiyey Cusbitaalka Burco, Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta ee Burco, Dib-u-dhis iyo Dayac-tir lagu sameeyey Biriishka magaalada Burco iyo Mashaariic kale.

Waxa kale oo Guddiga Qandaraasyada 02 January 2021 socdaal ku gaadheen magaalada Oodweyne ee Xarunta gobolka Daad-madheedh, halkaas oo ay ku soo indho-indheeyeen mashaariic ay xukuumaddu ka hirgeliyey degmada Oodweyne, kuwaas oo ay ka mid yihiin Dhismaha Maxkamadda Gobolka Daad-madheedh, Dhismaha Xabsiga Oodweyne iyo Garoonka Kubadda Cagta ee magaalada oo dhismihiisu socdo.

Kormeerkii ugu dambeeyey ee Guddigu kaga soo laabtay gobollada Bari ee dalka, waxa ay 3-dii bishan January ku indho-indheeyey mashaariic xukuumaddu ka fulisay degmada Berbera ee gobolka Saaxil, kuwaas oo ay ka mid yihiin Garoonka Kubadda Cagta oo la dhigay Roogga Cagaaran, Sheybaadhka Qaranka oo lagu baadhi doono tayada Raashinta iyo Daawooyinka, Kawaanka Xoolaha iyo Tallaagada Kalluunka lagu qaboojiyo iyo Doonyo Cusub oo loo iibiyey Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga.

20-kii bishan January, waxa ay guddiga Qandaraasyadu kormeer indho-indhayn ah ku tageen magaalada Balligubadle ee xarunta gobolka Hawd, halkaas oo ay ku soo arkeen qaabka loo fuliyey iyo sida ay u socdaan mashaariic kala duwan oo xukuumaddu ka hirgelisay deegaamo ka tirsan gobolka Hawd. Waxaana mashaariicda ay guddigu soo kormeereen ka mid ah Xarunta Dhallaanka iyo Hooyada ee tuulada Aadan Abokor oo ka tirsan gobolka Hawd iyo Afar mashruuc oo laga hirgelinayo magaalada Balligubadle, kuwaas oo uu ka mid yahay Garoonka Kubadda Cagta ee magaaladaas.

Sidoo kale, waxa ay guddigu 23-kii Bishan January kormeer ku mareen mashaariic xukuumaddu ka hirgelisay gobolka Gabiley, kuwaas oo ay ka mid yihiin Dhisme lagu kordhiyey Cusbitaalka Degmada Arabsiyo, Xarunta Dhallaanka iyo Hooyada ee Degmada Arabsiyo, Dhismaha Xabsiga magaalada Gabiley, Dhismaha Deyrka Kastamka Cashuuraha ee Kalabaydh, Xarunta lagu keydiyo Calafka Xoolaha ee degmada Wajaale.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net