Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo Kormeeray Mashaariic laga fuliyey Gobolka Hawd

 

Balligudbadle (SLpost)- Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo ay weheliyaan Xubno ka tirsan Guddigaas, ayaa maanta kormeer ay ku daba-galayaan qaabka loo fuliyey ku sameeyeen mashaariic kala duwan oo xukuumaddu ka hirgelisay magaalada Balligubadle iyo deegaamo kale oo ka tirsan Gobolka Hawd.

Weftiga Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo muddooyinkii u dambeeyey ku gudo-jiray kormeer ay ugu kuur-galayaan mashaariic kala duwan oo kharashka ku baxay laga maalgeliyey miisaaniyadda Qaranka oo gobollada dalka laga hirgeliyey saddexdii sanno ee u dambeeyey, ayaa maanta indhahooda ku soo arkay qaabka loo fuliyey iyo habsami-u-socodka mashaariicdan oo ay ka mid yihiin Xarunta Caafimaadka Dhallaanka iyo Hooyada ee tuulada Aadan Abokor oo ka tirsan gobolka Hawd iyo Afar mashruuc oo laga hirgelinayo magaalada Balligubadle, kuwaas oo uu ka mid yahay Garoonka Kubadda Cagta ee magaaladaas.

Guddiga Qandaraasyada waxa habsami-u-socodka Mashaariicda kuwooda hirgalay ee lagu shaqeeyo iyo kuwa xilligan gacanta lagu hayo faahfaahin ka siiyey Guddoomiyaha Gobolka Hawd iyo Wax-garadka Deegaanka iyo Isu-duwayaasha Gobolka ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha dowladda ee Mashaariicaha loo fuliyey.

Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ujeeddada kormeerkoodu tahay mid ay ugu kuur-galayaan Mashaariic laga fuliyey gobollada dalka muddadii saddex sanno ahayd ee ay talada haysay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Warkan oo faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose

Kormeerka Weftiga Guddiga Qandaraasyada iyo Gobollada ay soo mareen

Kormeerkan Guddigu ku tageen gobolka Hawd, ayaa noqonaya kii toddobaad ee ay ku galaa-bixiyaan gobollada dalka, iyaga oo hore u soo kormeeray mashaariic laga fuliyey iyo qaar ka socda gobollada Sanaag, Sool, Togdheer, Daadmadheedh iyo Saaxil.

Guddiga Qandaraasyada Qaranka ayaa 28-kii December, 2020 kormeerkoodii u horreeyey ka bilaabay Dhismaha Xarunta Jaamacadda degmada Garadag oo inteeda badan la dhammeystiray, waxaanay halkaas warbixin kaga dhegaysteen maamulka degmada oo xog-warran ka siiyey habsami-u-socodka dhismaha jaamacadda.

Waxa ku xigay kormeer ay 29-kii December ee sannadkii hore ku gaadheen degmada Ceerigaabo, waxaanay si gooni-gooni ah kormeer ugu sameeyeen dhowr mashruuc oo xukuumaddu ka hirgelisay magaalada. Mashaariicda oo dhismeyaal u badan waxa ka mid ah Dhismaha Aqalka Madaxtooyada ee Ceerigaabo, Dhismaha Xarunta Xeer-ilaalinta Gobolka, Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta, Dhismaha Deyrka Jaamacadda Sanaag University ee magaalada Ceerigaabo, Xarunta Ciidanka Birmadka iyo Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Ceerigaabo.

Sidoo kale, 30-kii December, waxa ay weftiga Guddiga Qandaraasyadu gaadheen magaalada Laascaanood, halkaas oo kulan ay la yeesheen maamulka gobolka kaddib ay kormeerkooda ku indho-indheeyeen mashaariic kala duwan oo xukuumaddu ka hirgelisay degmada Laascaanood, kuwaas oo ay ka mid yihiinkuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha Xarunta Dab-demiska ee Laascaanood iyo Dib-u-habayn lagu sameeyey Garoonka kubadda Cagta ee magaaladaas.

Weftiga oo ku gudo-jira safarkooda ay ku kormeerayaan mashaariicaha xukuumaddu hirgelisay oo ay guddi ahaan uga masuul yihiin bixintooda iyo hubintoodaba, ayaa 31-kii December kormeer ku sameeyey dhowr mashruuc oo xukuumaddu ka hirgelisay magaalada Burco, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismeyaal lagu kordhiyey Cusbitaalka Burco, Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta ee Burco, Dib-u-dhis iyo Dayac-tir lagu sameeyey Biriishka magaalada Burco iyo Mashaariic kale.

Waxa kale oo Guddiga Qandaraasyada 02 January 2021 socdaal ku gaadheen magaalada Oodweyne ee Xarunta gobolka Daad-madheedh, halkaas oo ay ku soo indho-indheeyeen mashaariic ay xukuumaddu ka hirgeliyey degmada Oodweyne, kuwaas oo ay ka mid yihiin Dhismaha Maxkamadda Gobolka Daad-madheedh, Dhismaha Xabsiga Oodweyne iyo Garoonka Kubadda Cagta ee magaalada oo dhismihiisu socdo.

Kormeerkii ugu dambeeyey ee Guddigu kaga soo laabtay gobollada Bari ee dalka, waxa ay 3-dii bishan January ku indho-indheeyey mashaariic xukuumaddu ka fulisay degmada Berbera ee gobolka Saaxil, kuwaas oo ay ka mid yihiin Garoonka Kubadda Cagta oo la dhigay Roogga Cagaaran, Sheybaadhka Qaranka oo lagu baadhi doono tayada Raashinta iyo Daawooyinka, Kawaanka Xoolaha iyo Tallaagada Kalluunka lagu qaboojiyo iyo Doonyo Cusub oo loo iibiyey Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net