Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo kala saaray 108 Shirkadood oo Shan Mashruuc u tartamay

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka, ayaa maanta daah-furay Shan mashruuc oo xukuumaddu hirgelinayso kuwaas oo fulintooda ay ku tartamayeen 108 shirkadood.

Mashaariic qandaraasyadooda lagu tartamay ayaa kala ah dhisma Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ee gobolka Togdheer, Qurxinta iyo Dib-u-habaynta Silanyo Library ee magaalada Hargeysa, Dhismaha iyo Dayac-tirka xarunta Wasaaradda Horumarinta maaliyadda ee gobolka Saaxil, Dhismaha Hoyga shaqaalaha ee Kastamka Kala-baydh ee gobolka Gabiley iyo Dhismaha Hoolka Xarunta Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha.

Munaasibad loo qabtay shaacinta shirkadaha ku guulaystay mashaariicdan, waxa goob-joog ka ahaa masuuliyiinta guddiga Qandaraasyada Qaranka, saraakiil ka socotay hay’adaha dowladda ee loo fulinayo iyo wakiillada shirkadaha tartanka ka qayb-galay.

Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo kulanka ka hadlay, ayaa sheegay magacyada shirkadaha ku guulaystay shanta mashruuc.

Muuqaalka Hoose ka daawo Warkan oo faahfaahsan