Guddiga Qandaraasyada oo Shaaciyey Shirkadaha ku guulaystay Mashaariic loo fulinayo hay’adaha Dowladda

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka, ayaa maanta shaaciyey shirkadaha ku guulaystay laba mashruuc oo loo fulinayo Wasaaradaha Ganacsida & Dalxiiska iyo Wasaaradda Xannaanada Xoolaha.

Mashaariicdan ayaa kala ah Qalab shaybaadh oo loo soo iibinayo Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Muuqaallo Documentari ah oo laga samaynayo Goobaha Dalxiiska ah ee Somaliland, waxaana tartanka mashaariicda ka qayb-galay Siddeed shirkadood oo Shan ka mid ahi u tartameen mashruuca duubiska muuqaallada goobaha Dalxiiska halka saddexda kalena u tartameen qalabka loo soo iibinayo wasaaradda Xannaanada Xoolaha.

Tartanka Mashruuca lagu fulinayo duubista Goobaha Dalxiiska, ayaa guddiga Qandaraasyadu ku daah-furtay in lagu iibiyo 197,200,000.000 SLSH, waxaana Shirkadda Mashruuca ku guulaysatay halkaas ka sheegay gudoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen.

Munaasibadda lagu shaaciyey natiijada tartanka loo galay labada mashruuc oo ku qabsoontay xarunta Guddiga Qandaraasyada Qaranka, waxa ka qayb-galay Xubnaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka, Masuuliyiin ka socotay hay’adaha Dowladda ee Mashaariicda loo fulinayo iyo Xubno metelayey Shirkadaha ka qayb-galay tartanka labada mashruuc.

Waxa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Guddiga Maxamed Axmed Xassan (Jabarti-Saadle) oo faahfaahiyey labada mashruuc iyo qaabkii loogu tartamay.

Faahfaahinta Warkan kaga bogo Muuqaalka Hoose