Guddiga Qandaraasyada oo Shaaciyey Shirkadaha ku guulaystay Mashaariic loo fulinayo hay’adaha Dowladda

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta shaaciyey shirkadaha ku guulaystay mashaariic kala duwan oo xukuumaddu hirgelinayso kuwaas oo tartankooda hore loo naadiyey qandaraaskooda.

Mashaariicda loo tartamay waxa ka mid ah Dhismaha Buundooyinka waddada Isku xidha magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo, Qalab Caafimaad oo loo doonayo Cusbitaalka degmada Garba-dadar ee gobolka Awdal iyo Keenista Qalabka lagu baadho noocyada macdanta, kuwaas oo loo fulinayo wasaaradaha Horumarinta Jidadka, Horumarinta Caafimaadka iyo Macdanta & Tamarta.

Kulan maanta ku qabsoomay Xarunta Guddiga Qandaraasyda Qaranka oo lagu shaaciyey natiijada ka soo baxday tartanka loo galay Mashaariicda, waxa goob-joog ka ahaa Xubnaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka, Shirkadaha tartanka ka qayb-galay iyo Masuuliyiin ka socday hay’adaha Dowladda ee Mashaariicda loo fulinayo.

Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo ugu horeyn ka hadlay kulankaas, ayaa shaaciyey magacyada Shirkadaha ku guulaystay Mashaariicda.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in qandaraaska Mashruuca Dhismaha Buundooyinka Jidka isku xidha Burco iyo Ceerigaabo ay ku tartameen 12 shirkadood halka Qandaraaska keenista Qalabka lagu baadho Macdanta ay ku tartameen Lix Shirkadood, balse ay ku guulaysatay shirkad lagu magacaabo Horn of Africa.

Warkan oo faahfaahsan iyo Hadallo ay kulanka ka jeediyeen xubno ka tirsan Guddiga Qandaraasyada Qaranka iyo Shirkadaha tartanka ka qayb-galay, kaga bogo Muuqaalka Hoose

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net