Guddiga Qaban-qaabada Munaasibadda 18-ka May Oo  Bulshada Baaq U Diray, Xisbiga WADDANI-na si adag ugu jawaabay

 Hargeysa (SLpost)-Guddida qaban-qaabada munaasibadda heer qaran ee 18-ka May, ayaa mar kale faah-faahin dheeraad ah ka bixiyey halka ay hawluhu u marayaan, abaabulka ay ku jiraan iyo qorsheyaasha loo asteeyey in loogu dabbaal-deggo munaasibadda la wada sugayo ee 18-ka Bisha May oo munaasibadda bisha barakaysan ee Ramadaan darteed sannadkan dabbaal-deggeeda loosoo raray maalinta ay bisha May tahay 15-ka, waxaana ay jawaab culus u direen xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo dhaliilay go’aanno ay guddidu hore usoo saareen.

 8B7A0096

Guddidan oo maanta xarunta qasriga madaxtooyada kula hadlay warbaahinta, ayaa ugu horrayn bulshada u faah-faahiyey qaabka ay guddi ahaan isla garteen in loo xuso munaasibadda qaran ee 18-ka May oo bisha barakaysan ee Ramadaan darteed hore loosoo dhigay, waxaana ay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI uga digeen inuu bulshada ku jaah-wareeriyo waxyaabo dhaawacaya midnimadooda.

 

Ugu horrayn wasiirka Shaqo-gelinta, Qoyska iyo arrimaha Bulshada Marwo Hinda Jaamac Xirsi, ayaa ku dheeraaday waxyaabaha sababta u ah in wax-ka-beddel lagu sameeyo dabbaal-degyadii la samayn jirey maalinta qaran ee 18-ka May, waxaana ay hoosta ka xarriiqday inaan cidina beddeli Karin maalinta quluubta bulshada reer Somaliland ku xuntay ee 18-ka May oo ay sideedii tahay, waxana ay tidhi, “Guddi ahaan waxa aanu go’aansannay inaanu dabbaaldeggii 18-ka May usoo rarno 15-ka May, maadaama oo ay dadku sooman yihiin oo ay bishu tahay ayaamihii ugu horraysay, sidaas darteed annaga oo u tudhayna dhammaanba bulshada noocyadeeda kala duwan, waxa aanu go’aansannay in 15-ka May ay noqoto munaasibadda salaanta iyo maritaanka ciidamada qaranka iyo bulshada inteeda kala duwan, halka ay 18-ka May habeennimadeeduna ka noqon doonto xafladdii khudbadaha iyo casho-sharaf loogu talo-galay in bulshada loogu sameeyo madaxtooyada.”

Wasiirka gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Ciise Axmed Yuusuf, ayaa isaguna shaaciyey in maalinnimada 18-ka May hawlo badan oo khayri ah la qaban doono, maadaama oo ay bil cibaado tahay, isla markaana dadka jilicsan ee bulshada kamidka ah laga farxin doono.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay si midaysan ugu soo baxaan munaasibadda 18-ka oo dabbaaldeggeeda loosoo raray 15-ka bisha May, waxaana uu difaacay tashuush aan meel haysanin oo ay qaar kamid ah axsaabta mucaaridka ahi ku fureen raritaanka dabbaal-degga ciidamada qalabka sidaa sameeyaan, isaga oo ka digay kala qaybinta xisbiyada mucaaridka qaarkooda ku wadaan bulshada reer Somaliland, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Faral Ilaahay degejiyey baa la oggol yahay in hore loosoo dhigo haddii duruufi timaaddo, ka aynu innagu dejisannayna  duruuf awgeed haddii aynu soo qaddimanno wax inoo diidayaa ma jirto, intii Somaliland jirtey inay bisha Ramadaan markii ugu horraysay kusoo beegantay bisha Soon ayaa keentay isbeddelka, xisbiyada mucaaridkana inay mucaariddoodu noqoto mid wax dhista, ayaa looga baahan yahay, mid dalka kala qaybisa oo ummadda kala firdhisa waqtigeedii ma joogno, doorasho iyo inaynu wax kala jiidanno waqtigeedii wuu soo dhammaaday.”

Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu caddeeyey inay xukuumad ahaan ka go’an tahay inay qaadaan tallaabo kasta oo lagu xoojinayo midnimada iyo wada-jirka bulshada reer Somaliland, waxaana uu nasiib-darro ku tilmaamay  in hoggaanka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI u tafo-xaytaan sidii ay u wiiqi lahaayeen isku-duubnida iyo wada-jira umadda, xilli lagu jiro ayaamo u baahan in qarannimo  iyo isku-duubni ummadeed lagu wanaajiyo, “Xukuumad ahaan marwalba inaanu  umaddii doorashadu kala qaybisay midayno diyaar baanu u nahay, laakiin walaalahayaga mucaaridka ah oo waliba xisbiga  WADDANI kow ka yahay  inay weli ka shaqeeyaan inay ummaddu sii kala qaybsanaanto oo ay weliba 18-ka May wax ka dayaan runtii waa wax afkooda ku xun, Cabdiraxmaan Cirro-na waxaan leeyahay hadduu 18-ka May jecel yahay waxa laga arki lahaa fagaareyaasha 18-ka May, aniguna hal maalin baan garanayaa isaga oo 18-ka May ka qaybgalay muddadii KULMIYE xilka hayey, markay laba cisho ka hadhsan tahay ayuuna inta badan bixi jirey, umadda reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa inay maanta gacmaha is qabsadaan oo ay dareenkooda si midaysan u muujiyaan,” ayuu yidhi madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici).

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA HADALLADA MASUULIYIINTA