Guddiga la-dagaalanka Musuq-maasuqa oo ka warbixiyey Xilligan Kala-guurka ah iyo Xogta Tira-koobka Hantida Qaranka

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Maamul-wanaagga iyo La-dagaalanka Musuq-maasuqa ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa sharraxaad ka bixiyey qorsheyaasha uga yaalla hawl-gallo ay ku sameynayaan hay’adaha dowladda xilligan kala guurka ah ka hor inta aanu xilka la wareegin madaxweynaha la doortay ee Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.

Guddiga oo maanta saxaafadda qaarkood la hadashay, waxa ay sheegeen inay ka hawl-galeen isla markaana abuureen xog-ururin aanu dalku hore u lahaan jirin oo laga sameeyey dhammaan hay’adaha dowladda oo ay tiro-koob ku samaynayeen Lixdii bilood ee u dambeeyey, lagu diiwaan-geliyey dhammaan hantida Qaranka.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN

Guddigan oo lagu tilmaamay hay’adda ugu fadhiidsan ee ka gaabiyey hawlihii loo igmaday isla markaana inta badan aan lagu arag hawl-gallo shaqadooda ku aaddan oo ay sameeyeen, waxa markii u horeysay abuuray hay’adaha dowladdana ku soo daray madaxweynaha xilka sii haya Axmed Maxamed Siilaanyo markii uu talada dalka ku guulaystay todoba sanno ka hor.