Guddiga Joogtada ah ee Guurtida oo Kormeer ku tagay Xarunta Warshadda Sharaabta ee SBi

Hargeysa, 30 January, 2012 (SLpost)- Guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta kormeer hawleed indho-dhayn ah ku tagay xarunta shirkadda waddaniga ah ee SBi ee ku taala deegaanka Jaleelo.

Gudoomiyaha Gudida joogtada ah ee Golaha Guurtidda Xildhibaan Muxumed aw Axmed oo ay weheliyaan Gudoomiye ku xigeenka gudidaas Mudane Cabdicasiis Maxamed Gaaxnuug (Booshcadde) iyo xildhibaano ka tirsan golaha guurtida ayaa ujeedada kormeerkoodu la xidhiidhaysidii ay u soo indho indhayn lahaayeen hawsha maalgashi ee ay Shirkaddu dalka ka hirgalisay.

Gudoomiye ku xigeenka gudidaas Mudane Cabdicasiis Maxamed Jaamac oo ka warramya hawshooda kormeer ayaa sheegay inay wax lagu farxo tahay in Ganacsatada reer Somaliland ay maal galin ku sameeyaan dalkooda si ay u abuuraan ayuu yidhi xirfado shaqo oo ay da’a yar badani ka faa’iidaystaan.

Guddoomiye ku xigeenka guddida joogtada ah ee golaha Guurtidu waxa uu xusay inay Xukuumada kala hadli doonaan waxyaabaha ay Shirkadani u baahan tahay in laga taageero.

Shirkadda SBi (Somaliland Beverage Industry) oo ay maal-gashadeen ganacsato muwaadiniin ah, ayaa soo saarta noocyada kala duwan ee sharaabka sida Coca Cola, Sprite iyo Faanto kuwaas oo tayadoodu aad u sarrayso isla markaana ka qiimo jaban kuwa dibadda laga keeno.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net