Guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida oo xog-warran ka dhegaystay Ku-xigeenka Duqa Caasimadda

Hargeysa, 18 January, 2012 (SLpost)-Maayar ku xigeeenka Caasimada Hargaysa isla markaana ah ku-Simaha Duqa Caasimada Maxamed C.laahi Uurcade  ayaa Maanta Gudida joogtada ah ee Golaha Guurtida waxa uu  warbixin ka siiyay  waxqabadka dawlada hoose ee Sannadkii hore ee 2011 u hirgalay iyo qorshaha ku talo gal ee Sannadkan aynu ku guda jirno ee  2012-ka.

Waxaa ugu horayn goobtaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gudida joogtada ah ee Golaha Guurtida Xildhibaan Muxumed Aw Axmed waxaanu uga mahadceliyay maamulka dawlada hoose sida ay u soo ajiibeen yeedhmadooda isagoo xusay in gudidooda ay u xil saran yihiin sidii ay isugu sii duba ridi lahaayeen wixii warbixino ah ee marka gole weynuhu fasaxa ka soo noqdo ay u hor dhigi lahaayeen .

Maayar ku xigeeenka Caasimada Hargaysa isla markaana ah ku Simaha Duqa Caasimada hargaysa Md. Maxamed C.laahi Uurcade  oo madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in sannadkii tagay ee 2011ka ay dawlada hoose samaysay 19 wado laami ah kuwaas oo dhamaantoodba cusub isla markaana ay ka hirgaliyeen degmooyinka caasimada waxaa kale oo uu xusay inay caro kaawo ka dhigeen jidadka taga Dawga Cad iyo Xaraf.

Maayar ku xigeeenka Caasimada Hargaysa ahna  ku Simaha Duqa Caasimadu  Waxaa kale oo uu tilmaamay Inay gacan xoogleh ka gaysteen Xarumo Caafimaad,Sariibado, Saldhigyo Boolis iyo dhismayaal ganacsi oo ay dadweynuhu maalgashadeen.

Mar uu ka hadlayay Qorshaha ku talo gal ee sannadkan 2012-ka waxa uu  sheegay inay ka shaqayn doonaan kor u qaadka bilicda caassimada isla markaana ay wada shaqayn buuxda la yeelan doonaan gudida uu madaxweynuhu u saaray kor u qaadka bilicda caasimada iyo wax kastoo ku taxaluqa adeegyada ay dawlada hoose shacbiga ku nool caasimada hargaysa uga baahan yihiin.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net