Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida Oo Kormeeray Xaaladda Cusbitaalka Guud ee Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Gudida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland ayaa maanta kormeer ay ugu kur galayaan xaaladada cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ku soo maray cusbitaalkaasi .

Gudidu waxay kormeerkooda ku soo mareen qaybaha kala duwan ee cusbitaalku ka kooban yahay , waxaanay halkaasi warbixin kaaga dhagaysteen  Agaasimaha guud ee Cusbitaalka Hargeisa Axmed Askar  oo warbixin ka siyey hawl qabadka qaybaha kala duwan ee Cusbitaalka  waxaanu sheegay in xaalada guud ee cusbitaalku ficaan tahay .

Agaasimaha guud ee cusbitaalka Hargeisa waxa  u warbixintaas  sheegay in ay siiyaan bukaanka aan daawada ibsan karayn dawooyin lacag la’aana. Waxa kale oo uu sheegay in Miishanka,  safaynta kalyaha  uu dhawan ka hawl galay cusbitaalka guud kaas oo loogu adeego  dadka ka cabanaya kalyaha .

Gudida joogta ah ee golaha guurtidu waxay kormeerkooda ku soo mareen kaydka dawaada ee cusbitaalka miishinka safaynta  kalyaha iyo shaybaadhka cusbitaalka halkaas oo ay warbixin kaaga qaateen masuulinta qaybahaas.

Gaba-gabadi gudida joogta ah golaha guurtida ayaa maamulka cusbitaalka uga  mahad naqay hawlaha ay u hayaan bulshada iyagoo bukaankana Eebo uga baryay in uu caafimaad siiyo.

SLpost News/Hargeysa