Guddiga Ilaalinta Hantida Qaranka Golaha Wakiillada oo Soo saaray Warbixin ay ku Shaaciyeen Musuq-maasuq iyo Maamul-xumo Hay’adaha dawladda Regaadiyey

Guddiga Ilaalinta Hantida Qaranka  Golaha Wakiillada oo Soo saaray Warbixin ay ku Shaaciyeen Musuq-maasuq iyo Maamul-xumo Hay’adaha dawladda RegaadiyeyHARGEYSA (SLpost)- Guddi-hoosaadka Golaha Wakiillada Somaliland u qaabbilsan Daba-galka iyo ilaalinta Hantida Qaranka, ayaa shalay Golaha soo hor-keenay Warbixin dhinacyo badan taabanaysa, isla markaana ka shiftay Hay’adaha dawladda qaarkood oo ay sheegeen inay ku ogaadeen baadhis ay muddo Guddigu wadday in Musuqmaasuq iyo Maamul-xumo Hay’adaha dawladda qaarkood hadheeyeen, iyaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay Xafiiska Hanti-dhawrka guud ee Qaranka.

Guddigu waxay sheegeen inay muddo baadhis ku wadeen hannaanka ay Hay’adaha kala duwan ee dawladda gaar ahaan Hanti-dhawrka guud u shaqeeyaan iyo sida ay uga hawl-gasho ilaalinta Hantida Qaranka, siiba Xisaab-xidhyada iyo baadhista meelaha Musuqmaasuq ka dhaco, ayaa sheegtay inaan Hay’addani gebi ahaanba gudannin hawlihii ay Qaranka ugu xilsaarnayd, isla markaana aanay wada shaqayni ka dhaxayn Madaxda Hay’adda oo ah Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenkiisa iyo Agaasimaha guud.

Sidoo kalena, Madaxda Hantidhawrku ay la shaqayn wayday Guddigan Wakiillada oo ka dalbatay inay si cad ugu soo bandhigaan Xisaab-xidhada Miisaaniyadaha Qaranka iyo Meelaha Hanti-dhawrku u galay arrimo Musuqmaasuq, sida ay uga hawlgalaan baadhis musuq iyo waxa uu ku gabo-gabeeyay.

Guddoomiyaha Guddiga Daba-galka iyo ilaalinta Hantida Qaranka Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi, ayaa Mudanayaasha Wakiillada ka hor-akhiriyey War-bixinta ay Guddi ahaan soo saareen, taasoo Qoraakeeda ay Guddigu sharraxaad kaga bixisay sida ay Madaxda Hanti-dhawrka guud uga dhego-adaygeen Guddigan baadhista ku haysay sidii ay u ogaan lahaayeen in Hantida Qaranka la ilaaliyay lana raacay Shuruucda u degsan dalka.

HALKAN KA DAAWO