Guddiga Doorashooyinka oo soo saaray Liiska Murashaxiinta Golaha Wakiillada ee Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta soo saaray Liiska kama dambaysta ee Murashaxiinta Golaha Wakiillada uga tatamaya Saddexda Xisbi Qaran Doorashada Isku-sidkan ee Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka oo loo muddeeyey inay dalka ka qabsoonto 31-ka Bisha May 2021-ka.

Doorashada Isku-sidkan ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo ka qabsoomaysa 20 ka mid ah 23-ka Degmo-doorasho ee dalku ka kooban yahay, kuwaas oo ay ku yaallaan 1,642 goob-doorasho, waxa lagu wadaa inay codadkooda ka dhiiban doonaan 1,297,838 codbixiye oo la diiwaangeliyey, sida ku xusan xogta ay baahiyeen Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Murashaxiinta Golaha Wakiillada ee Liiskooda la shaaciyey oo tiradoodu tahay 246 rag iyo dumar isugu jira, ayaa ka sharraxan saddexda Xisbi ee Kulmiye, Waddani iyo UCID, kuwaas oo ka tarmaya gobollada Awdal, Saaxil, Togdheer, Sool, Maroodijeex iyo Sanaag.

 

AKHRISO LIISKA MURASHAXIINTA GOLEYAASHA DEEGAANKA SOMALILAND

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net