Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay Diiwaangelin Maanta ka bilaabantay Degmooyin ka tirsan Gobollada Maroodijeex iyo Awdal

Afhayeenka Guddida Doorashooyinka

 

Afhayeenka Guddida Doorashooyinka
Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka

Hargeysa (SLpost)- Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa shaaciyey inay maanta oo Sabti ah ka bilaabeen magaalooyinka Hargeysa iyo Baki diiwaan-gelin tijaabo u ah diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka, taasoo lagu hubinayo sida ay hawshaasi u qabsoomi karto.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland Maxamed Axmed Xirsi (Geelle), oo maanta Warbaahinta kula hadlay xaruntooda Hargeysa, ayaa sheegay inay xarunta Guddigaas ee Hargeysa ugu talo-galeen hal goob oo lagu qabto tijaabadaas oo lagu diiwaangelin doono saddex boqol oo qof oo uu xusay in la doonayo in laba boqol oo qof ay ku celceliyaan is-diiwaangelinta, sababta oo ah waxa uu xusay inay rabaan inay ogaadaan tayada qalabka diiwaangelinta in lagu qabto ku habboon oo ay qalab tijaabo ah hawshaas ku qabanayaan.

DHEGAYSO

SOMALILANDPOST.NET