Guddoomiyaha Guddiga Diwaangelinta oo ka hadlay hawsha Qiimeynta ururada Siyaasadda iyo kormeerro ay ku tageen gobollada dalka

Hargeysa, 20 February 2012 (SLpost)-Guddoomiyaha Guddiga Diwaangelinta Ururada siyaasada Somaliland  Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaale), ayaa hadlay halka ay marayso Qiimaynta ururadda siyaasadeed iyo kormeer ay ku sameeyeen dhammaanba xafiisyadda shan iyo tobanka urur ku leeyihiin goboladda Somaliland.

Guddoomiyaha diwaangelinta ururadda siyaasadeed ee Somaliland waxa uu in kormeerkooda qiimaynta xafiisyada ururrada ay bilaabeen 12-kii bishan isla markaana ay weli hawshu si wanaagsan ugu socoto, , isaga oo sheegay inay soo saari doonan jadwalkii furashadda ururadda siyaasadeed. “Bisha 12-keedii maalintii Axada ayaa kormeerku uu ka bilaabmay dhamaan goboladda Somaliland, sida Odweyne iyo Saaxil, qaybina waxay soo martay qaybta galbeed Berbera iyo Sheekh iyo Awdal oo isku dhan, Baki iyo Saylac,” ayuu yidhi Gudoomiyaha guddiga diwaangelinta Somaliland Md Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaale), isaga oo intaas ku daray, “Maalintii Sabtida ahayd ayaa waxa laga bilaabay gobolkan Maroodi-jeex iyo Gabiley, waxa sida oo kale aanu kormeer ku soo marnay Baligubadle, maanta (shalay ) ayaa xaruntii Maroodi-Jeex oo ah xaruntii caasimaddii dalka ee aanu ka bilawnay, waxa sida oo kale iyaguna maanta soo baxaaya qoladii ka bilawday Odweyne iyoBurco iyo Gar-adag iyo Ceel-afweyn oo ku xigtay Ceerigaabo iyo Laascaanood kadibna way soo noqon doonaan. “Anaguna waxaanu immanaynaa Gobolka Maroodi-jeex ka dibna waanu isu immanaynaa, marxaladani maaha marxaladii kala reebka, ee waa marxalad u kuur-gelid ah oo marka aanu qiimayn ku samayno ururka ugu sarreeya iyo ka ugu hooseeyaba. waxaanu soo saaraynaa warbixin kama dambaysa oo waa muddadii qiimaynta iyo diwaan gelinta iyo xilliyadda ay qabsanayaan shirarka iyo muddada ugu dambaysa qiimaynta ee lagu kala sarraayo,  oo waxaanu soo saaraynaa Jidwalka,”ayuu yidhi Gudoomiyaha guddiga ururadda siyaasadda Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaale).

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net