Guddiga Diiwaangelinta Ururrada oo Shaaciyey tirada Ururada diiwaan-gashan iyo Wakhtiga la soo gabo-gabaynayo

Hargeysa (SLpost)- Gudidda diiwaan-gelinta ururada siyaasadda ayaa shaaca ka qaaday tirada ururrada ilaa imika is-diiwaan geliyay iyo xiliga la soo gabo-gabaynayo diiwaan gelinta ururrada siyaasadda.

Afhayeenka Gufdidan oo ka hadlay arrintan wuxuu yidhi “Hawshii diiwaan gelinta ururadda siyaasaddu waa iska gabo-gabo, ururo badani way is diiwaan geliyeen, kuwo badana waa lagu dhawaaqay. Waxaan filayaa in ururadda lagu dhawaaqay ay yihiin illaa 21 urur. Inta is diiwaan gelisay ee foomamkii diiwaan gelinta qaatay ee soo celiyay waa 12 urur. Hawshuna illaa imika si wanaagsan ayay u socotaa.”

Afhayeenka Gudidda diiwaan gelinta ururadda siyaasadda oo la weydiiyay magacyada ururadda is diiwaan geliyay ayaa sheegay in tirada ururrada diiwaan-gashn ay yihiin 12 urur kuwaas oo sida uu sheegay  kala ah : Wadani, Dalsan, Ummadda, SSC, Gurmad, Jamhuuriga, Rays, NDP, Nasiye, Udhis, Badbaado iyo Horyaal.”

Xasan Macalin wuxuu sheegay inay diiwaan gelintu ay soo xidhmi doonto 28-ka bishan.

“Waxaanu u sheegaynaa dadka daneynaya inay ka qeyb qaataan siyaasadda inay isku diiwaan geliyaan mudadan kooban ee hadhay iyadoo sida xeerarku ay dhigayaan ay toban sano ka dib dib loo furi doono ururadda siyaasadda,”ayuu yidhi Afhayeenka Gudidda diiwaan gelinta ururadda siyaasadda.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net