Guddiga Diiwaangelinta Furashada Ururrada Cusub oo shaaciyey inay Maanta Bilow tahay Diiwaangelinta Ururrada iyo Shuruudaha looga baahan yahay

Hargaysa, (SLpost)- Guddiga diiwaan-gelinta Ururrada Siyaasadda Somaliland ayaa maanta kulan ay isugu yimaadeen shaaca kaga qaaday inay si rasmiya u diiwaangelinayaan Furashada ururrada Siyaasada ee cusub iyaga oo sidoo kale kaga dhawaajiyey in maanta oo ay taariikhdu tahay 12 November, 2011 ay u furan tahay ciddii diiwaan-gashanaysa Ururrada Cusub.

Afhayeenka Guddida diiwaangelinta ururrada siyaasada Xasan Macalin ayaa oo Munaasibadaa ka hadlay ayaa sheegay inay furayaan liiska ururrada diiwaangelinta, isla markaana waxa ay caddeeyeen in diiwaangelintu ay joogsan doono 11/1/2012, hase yeeshee waxa ay Ururrada cusub ee Siyaasada ugu baaqeen inay soo buuxiyaan dhammaan shuruudaha lagu diiwaangelinaya, iyagoo soo waafajinaya Distoorka jamhuuriyada somaliland iyo Xeerka Doorashooyinka ee Xeer 14.

Afhayeenka Guddida diiwaangelinta ururrada Siyaasada Xasan Macalin ayaa madashaas ka akhriyey Qoraal kooban, kaasoo u dhignaa sidan “Guddida diiwaangelinta ururrada Siyaasada iyo Ansixinta Axsaabta qaranka jamhuuriyada Somaliland, iyagoo ka duulaya Distoorka qaranka iyo Nidaamka hanaanka Xisbiyada badan ee dalkani qaatay, iyagoo ku dhaqmaya Xeerka nidaamka Ururrada siyaasada ee Xeer No 14/201, qodobkiisa 4aad farqadaha 1aad, 2aad iyo 3aad, iyadoo la tixgelinayo in hore loo qabto Doorashooyinka, ayaa waxay Go´aansadeen.

1.In laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 12/11/2011 ay furan tahay diiwaangelinta Ururrada siyaasada lana qabanayo araajida codsashada.

2.In xidhmayso kuna eeg tahay diwaan gelintu iyo qabashada araajida ururada siyaasada markay taariikhdu tahay 11/01/2012 mudadaaas oo ah laba bilood (60 cidsho)

3.Ururrada waxay codsiyadooda ku soo hagaajin karaan xafiiska xarunta dhexe ee gudida ee hargeysa ku taala

SHURUUDAHA LAGA RABO CIDA RABTA INAY IS DIWAAN GELISO

1. Inuu soo qorto arji foomka loogu tala galay

2. Goortii iyo goobtii uu ku qabtay shirka Aas-Aaska ee ugu horeeyey

3. Liiska magacyada hogaanka gudiga fulinta iyo golaha dhexe

4. Liiska magacyada Aas- Aasayaasha iyo habkii loo doortay

5. Qaab dhismeedka ururka

6. Magaca ururka oo dhamaystiran iyo qaabka uu u qormayo marka la soo gaabiyo

7. Cadaynta bixin cashuur dhan 150,000,000

SLpost News Desk

Yasiin_29@rocketmail.com