Guddidii Madaxweynuhu u Saaray Hubinta Khilaafka Kulmiye oo Natiijada Shaqadooda ka Warbixiyey

Hargeysa(SLpost)-Guddidii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u magacaabay hubinta Halka uu ku lug leeyahay khilaafka Kulmiye iyo kormeerka sida hawshu u socoto ayaa maanta warbixin natiijo ah ku dhawaaqay.

Gudiddan oo shan xubnood ka koobnayd ayaa waxa ay maanta saxaafadda uga warameen maxsuulkii uga soo baxay hawshii ay dabagalka ku wadeen. Ugu horayan waxa halkaa faahfaahin ka bixiyey guddoomiyaha guddida Axmed Xaaji Cali Caddami oo ah wasiirka gaashaandhigga Somaliland. Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in ay hawshooda u soo dhammeeyeen sidii loogu diray Illaahayna ku ogaa, iyaga oo shaqaynayey muddo shan cisho ah habeen iyo maalin.

Mudane Caddami waxa uu sheegay in ay iyaga shaqadoodu ahayd uun in ay soo kormeeraan soona hubiyaan xagga khilaafku ku lugleeyahay oo ay ahaayeen oo kaliya guddi xaqiiqa-raadin ah, laakiin aannay masuul ka ahayn wakhtiga shirka la qabanayo iyo sida loo qabanayo toona.

Cabdikariin Xinif oo guddida ka tirsan ayaa halkaa ka akhriyey qoraalkii natiijada ahaa, waxa hadaliisa  ka mid ahaa “Guddidu waxa ay fadhigoodii koowaad yeelatay 2dii bishii 11aad, halkaas oo ay goobjoog ahaayeen afar xubnood, halka xubinta kalena safar dibadeed ay ku maqnayd, waxa ay gudidu maalintaa samaysatay qorshihii ay ku shaqayn lahayd waxaanay warqad u qoreen dhinaca hawsha shirka gacanta ku haya oo ay kaga dalbanayeen qodobadan soo socda; XeerkaXisbiga, nuqul ka mid ah xeer-hoosaadka golaha dhexe, liiskii asalka ahaa ee golaha dhexe, liiska 10 xubnood ee madaxweynuhu magacaabay, liiska 6da xubnood ee madaxweyne-xigeenku magacaabay, liiska 23ka xubnood ee guddoomiyaha xisbigu magacaabay, sawirada la sameeyay ee ilaa imika la diyaariyey golaha dhexe, liiska dadka golaha dhexe ka baxay ee la bedelay iyo sida loo bedelay Waxaa kale oo aannu madaxweynaha ka codsanay liiska golaha wasiirada”

 

Markii uu intaasi ka akhriyay qorshihii ay ku shaqo galeen, waxa uu uga gudbay in uu akhriyo sidii ay u shaqeeyeen mudadaa shanta cisho ah, waxaana uu sheegay in ay xaqiijiyeen in ay tirade rasmiga ah ee golaha dhexe ay tahay 390 xubnood.

Gudidu waxa ay xaqiijiyeen in ay ilaa imika is diiwaangeliyeen sawiradoodana ay heleen 349 xubnood oo ka mid ah golaha dhexe, islaamrkaana aannay is diiwaangelin 41 xubnood.  Waxa kale oo uu sheegay in ay 3 qof ka baxeen xisbiga, hal xubinna oo dhimmatay, 6 xubnood oo markii hore deegaamada ka soo galayna ay oo markii dambe sheegeen in ay xilkooda ku soo galeen ee ay xubinimadii deegaanka ku wareejiyeen xubno kale.

Guddida oo markii ay warbixinta dhammeeyeen ay saxaafaddu waydiisay in garab ka mid ah garabbada Kulmiye ay sheegeen in aannay ku qanacsanayn ayaa waxa ay ku jawaabeen “Madaxweynuhu marka uu wasiir magacaabayo cid kalsooni uma waydiiyo, annaga madaxweynahaa na magacaabay shaqaannu noo diray, isagaanaanu warbixinta ku soo celinnay ciddii doonaysaa ha ku qanacdo”.

 

Warbixintan gudida ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xilli uu sii xoogaysanayo khilaafka Kulmiye cabashada garabka isbahaysiga musharixiintuna ay gaadhay heer ay yidhaahdeen kama qaybgalaynayo  shirka golaha dhexe ee furmaya saddex cisho ka bacdi.

Somalilandpost, Hargeysa Office