Guddidii Guurtida ee Dejinta Colaadda Deegaanka Gaashaamo u tegtay magaalada Jijiga oo ka xog-warramay Hawl-galkooda

Hargeysa, 29 March, 2012 (SLpost)- Xubno ka tirsan golaha guurtida Somaliland oo uu hogaaminayey Gudoomiyaha gudida joogtada ah ee Golaha Guurtida Mudane Muxumud Aw Axmed  kana soo noqday Xarunta Dawlad Deegaameedka kililka Shanaad ee ismaamulka somalida itoobiya ee Jigjiga isla markaana kala soo xaajooday Maamulka Soomalida Itoobiya wax ka qabashada Colaad ka dhacday dhawaan degmada  Gaashaamo ayaa maanta ka warbixiyey safarkoodii nabadoonimo ee ay ku tageen magaalooyinka Jigjiga.

Weftigan oo uu hoggaaminayay Gudoomiyaha Gudida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Mudane Muxumud Aw Axmed  iyo Xaaji cabdikariin Xuseen (X cabdi waraabe) oo ka mid ahaa Xubnaha  weftigan  oo  saxaafadda kula hadlay xarunta golaha guurtida Somaliland ee magaalada Hargaysa ayaa sheegay inay hawl nabadoonimo u tageen dhulka Dawlad Deegaanka Soomaalida itoobiya isla markaana ay kulmo la yeesheen madaxda sare oo uu ku jiro madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya  Cabdi Maxamud Cumar.

Mudanayaasha Guurtidu waxay sheegeen in heshiis ay la soo gaadheen madaxdii ay la kulmeen, isla markaana qaab nabadeed lagu dhamaynayo Dhibaatadii ka dhacday deegaankaasi gaashaamood, sidoo kalena la sii daayey dadkii ay dawlada itoobiya ka qabqabatay aaggii shaqaaqadaasi ka dhacday. Halka sidoo kalena dadkii hore looga qabqabtay deegaanka dacawaley iyagana la sii daynayo.

Dhinaca kale weftigu waxay sheegeen inay Madaxweynaha JSL Mudane Axmed maxamed maxamuud (Siilaanyo)  xog warran ka siiyeen sida ay ku soo dhamaatay hawshii nabadaynta ahaydee ay u tageen Deegaanka soomaalida Itoobiya.

Weftigan ayaa ka koobnaa 16 xubnood, kuwaas oo mudo shan maalmood ah safar ugu maqnaa deegaano ka mid ah dhulka soomaalida itoobiya ayaa  isugu jiraan Xildhibaano ka tirsan Golaha guurtida, salaadiin iyo aqoonyahano.