Guddida Wanaag-Farista oo Warbixin ay U jeediyeen Golaha Guurtida Ku Bandhigay Halista Maandooriyaha iyo Carruurta Darbi-jiifka ah oo Dalka ku soo badanaya

Golaha Guurtida Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Guddida Wanaag Farista iyo Xumaan ka-reebista Somaliland, ayaa maanta Golaha Guurtida faahfaahin ka siiyey hawl-qabadyadii u dambeeyey iyo tallaabooyinka wax-ku-oolka ah ee ay ka gaadheen hawlaha ay bulshada u hayaan iyaga oo warbixin faahfaahsan ku soo bandhigay sida ay ula tacaalaan caqabadaha ka dhanka ah Asluubta iyo Dhaqanka suubban ee Diinta Islaamka oo faro-baas ku haya dhalinyarada.

Gudida wanaag faristu waxay u soo jeediyeen Golaha Guurtida in ay maalinba ta xigta soo kordhayaan qorshayaal abaabulan oo qaab khaldan loogu sahlayo dhalinyarada inay xadgudub ku dhacaan, waxaana gudidu tilmaameen in beryahan dambe gudida wanaag faristu la socotay xarumo laga furay caasimadda oo lagu sheegayo in dhalinyarada dhaqanka lagu barayo, hase yeeshee aanay shareecada islaamku ogolayn in la is dhex geliyo hablaha iyo wiilasha ajnebiga iska ah.

Golaha Guurtida Somaliland
Golaha Guurtida Somaliland

Guddida wanaag faristu waxa kale oo ay qaylo dhaan ka soo jeediyeen caruurta derbi jiifka ah oo ku soo badanaya magaalooyinka waaweyn ee dalka waxayna ka dalbadeen golaha guurtida inay ka hawlgalaan sidii caruurtaasi oo 80% u badan reer Somaliland loogu xerayn lahaa xarumaha cusub ee loo sameeyey.

Qodobka sadexaad ee ay gudida wanaag faristu hor dhigtay golaha guurtida ayaa ahaa digniin ay ka jeediyeen maandooriyaha sida uu maalinba ta xigta ugu soo badanayo dalka gudihiisa, waxana ay soo jeediyeen in la mamnuuco xarumaha lagu iibiyo kiniinka la isku daroogeeyo.

 Fadhiga Golaha Guurtida ee Maanta oo uu shir-guddoominayey Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golahaas Md Siciid Jaamac Cilmi, waxa ay dood ka yeesheen qodobka shanaad ee dhaqanka iyo arimaha bulshada oo ka mid ahaa ajandayaasha kalfadhigooda.

Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa ku kala aragti duwanaa dooddaas ay ka yeesheen qodobka shanaad ee ajandaha kalfadhigooda oo ka hadlaya arrimaha dhaqanka iyo bulshada, kaas oo si weyn loogu sii ambo-qaadi doono fadhiyada golaha ee soo socda.

SOMALILANDPOST.NET