Guddida Waddada Cad Ee Degmadda Sallaxley Hadii Aan La Beddelin Waddadu Toon dhaafimayso!

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan saxaafada madaxa banaan waxaa kale oo aan salaamayaa bulsho waynta reer Somaliland meelkasta oo ay dunida ka joogaan waxaa 8/11/2012 xadhiga laga jarey wajigii koobaad ee wadada cad taas oo isku xidhaysa HARGEYSA iyo SALLAXLEY.

Haddaba hawshan oo ahayd hawl baaxadeeda iyo culayskeedaba leh oo aaney shacbi u badheedhi Karin ayaa waxaa madaxa saartey Ganacsade Cumar Caydiid iyo shacbiga kasoo jeeda deegaanka Sallaxley Kuwaas oo marxalado iyo maalmo waayihiisa watey soo marey aakhirkiina ku guuleystey.

Sidaa awgeed waxaa jira gudi loo bixiyey gudida dhismaha wadada cad oo runtii intii hore shaqeeyey ayaa imika loo baahan yahey in la badalo inta marka hore la xisaabiyo (Accountability) si loo helo (Transparent).

Ugu danbayntii waxaan soo jeedinayaa in gudidii hore loo yeedho isla markaana la badalo si loo helo Gudi cusub oo firfircoon kana fikirta dhamaystirka wadada cad iyo horumarinta deegaanka beesha

Farxan Axmed warsame

Amar098@hotmail.com