Guddida SSUK waxay Shacabka ku bogaadinaysaa Doorshada deegaanka

Umad kasta waxa lagu suntaa ama loola macaamilaa sida ay isu qadariyaan isgu tashadaan isu taageeraan isugu tanaasulaan arimaha dhaxdooda yimaada.
Jaaliyada SSUK waxa ay hambalyo iyo taageero u dirayaan dhamaan Shacbiga reer Somaliland ee sida sharafta iyo garashada xeesha dheer ku duugan tahay si habsami ah isugu soo baxay fagaarayaasha uguna codeeyey si nabadgalyo ah.
Dhamaan gudida SSUK iyo shacabweynaha reer Somaliland eek u dhaqan UK waxay ay hambalyadaas ka bacdi ka codsanyaan ururada u tartamaya in ay ka mid noqdaan sadexda xisbi qaran iyo musharixiinta u tartamaya in ay ku soo baxaan xildhibanada dooladaha hoose ugu baaqaynaa in ay nabada ilaaliyaan kuna kalsoonaadaan natiijada ka soo baxda tirade codbixiyiyaasha u taagnaa bacadka si ay doorasho xalaal ah u qabsoonto.
Gabagabadii waxaanu mar kale hambalyo u diraynaa dhamaan shacab weynaha Somaliland meel kasta oo ay ku noolyihiinba, dhamaan ururada, xukuumada talada heysa, ciidamada amaanka iyo inta ka qeybqaadatay habsami u socodka doorashooyinka, waaxau leenahay leenahayna Guul Guul Guul .
mahadana dhamaan Allaa iska leh, waxaanu si gaar ah mahad ugu celinaynaa hayada u xilsaaran doorashooyinka oo xilkasnimo iyo dadaal aan la koobi Karin muujiyay……

Gudida SSUK