Guddida Qandaraasyada Qaranka oo Shaaciyey Shirkadda Ku Guulaysatay Dhismaha Macadka Tabobarka Shaqaalaha Dowladaha Hoose

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta ku dhawaaqay natiijada tartan loo galay dhismaha Macadka tabobarka Shaqaalaha Dowladaha Hoose ee dalka oo ay ku tartameen 29 shirkadood oo waddani ah, kaasoo Khamiistii toddobaadkii hore la daah-furay.

Kulan maanta ku qabsoomay xarunta Guddiga Qandaraasyada oo ay goob-joog ka ahaayeen Xubnaha Guddiga iyo Shirkadaha ka qayb-galay tartanka, waxa lagu shaaciyey magaca shirkadda ku guulaysatay fulinta mashruucan.

Gudoomiyaha Gudida Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo kulanka ka hadlay, ayaa sheegay in kulanka ka maqnaayeen 3 shirkadood oo ka mid ah 29 ku tartamay, waxaanu halkaas ka sheegay in fulinta mashruuca ay ku guulaysatay Shirkadda Dhismaha Xaaji Muuse.

Waxa uu Guddoomiyuhu ka codsaday shirkadda ku guulaysatay mashruuca inay qaranka u dhisto dhismo tayo leh, halka sidoo kale uu sheegay in hadii ay jiraan wax cabasho ahi ay gudidu diyaar u tahay in ay dhagaysto.

Maxamuud Baarcad oo ka tirsan gudida qandaraasyada qaranka, ayaa isaguna oo ka warramay muhiimadda uu leeyahay dhismaha loo tartamay, waxaanu ku adkeeyey shirkadda guulaysatay inay ka soo baxdo ballanta iyo masuuliyadda ay qaadday.

Dhinaca kale, waxa halkaa hadalo la xidhiidha Qandaraaska ka soo jeediyay xubno ka socday shirkadihii ku hadhay tartanka qandaraaska iyo shirkaddii guulaystay, waxaanu dhammaan qireen inay ku qanacsanyihiin natiijada tartanka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net