Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka Oo Dr’Macaw Ku Tilmaamay In Uu Shuruudahii Buuxin Wayay Somaliand kaga Shaqaysan lahaa

Hargaysa(SLPOST)-Warar sugan oo aanu ka helnay kiiska Dr Macaw iyo Xukuumadda u dhaxeeya ayaa sheegaya in ay guddida Xirfadlayaasha Caafimaadku shalay soo saareen go’aan ah in aanu buuxin shuruudaha u yaala in uu kaga shaqaysan karo Somaliland.

1527133_10203347523153939_1839459772_n

Go’aanka guddida ayaa ka dhigan in uu joojiyo isla markaana faraha kala baxo hawshii baadhiseed ee uu kula kulmayey Bukaanadii isku diiwaangeliyey oo ka badnaa dhawr kun oo Qof, kuwaas oo uu qaarkood maalin galinkeed ku baadhay intii aan shaqada laga joojin.

Ilo wareedyo u dhuun daloola dhaqdhaqaaqa Dr Macaw go’aanka loo dhiibay kadib ayaa sheegaya in kalkaaliyayaashiisa kula jiray mashruuca uu dalka ku yimi Bukaanadii ku wargeliyeen in ay Jigjiga magaalo madaxda Ismaamulka Somalida Itoobiya ku booqan karaan si uu baadhistii laga joojiyey uu halkaas uga sii ambaqaado.

Lama oga waxa ka danbayn doona go’aanka Xukuumadda Somaliland kaga joojisay dhakhtarkan hawshii Caafimaad ee uu Dalka u yimi, hase yeeshee dad badan oo sii odorosay talaabada Xigta eek a dhalan doonta arrintan ayaa u arka haddii ay go’aankaas Xukuumaddu kaga dhabayso in uu Dhakhtar Macaw ka soo jeedsan doono Kililka shanaad oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo.

Dad badan ayaa u arkayey dadka bulkaanka ah ee isku diiwaangaliyey in ay ahayd in aanay bixin lacagta uu ku soo rogay oo dhamayd Afartan Doolar, hase yeeshee dadka imika maqlay go’aanka lagaga saarayo Dalka waxay u arkaan in aanay ka hakan doonin intii hore ee gaadhay ee ay mar kale isku dayi doonaan in ay kaga daba tagi doonaan Jigjiga.

Hadaba   dooda ugu badnayd ee dadweynaha kala duwani ka bixinayaan arrintan ayaa ah saamaynta ay yeelan doonto in Dr Macaw uga soo jeesto Jigjiga.

 Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland