Guddida Joogtada ah Ee Golaha Guurtida Somaliland oo kulan xog waraysi ah la yeeshay Xildhibaano ka Socda Baarlamanka Jabuuti

Hargeysa, 19 February 2012 (SLpost)-Guddida joogtadda ah ee Golaha guurtida Somaliland ayaa shalay Kulan is-xog waraysi ah la yeeshay Wafti Haween Xidhibaano Jabuutiyan ah, Kulankaasi ayaa ka dhacay Xarunta Golaha Guurtida ee Somaliland, waxana shir gudoominayay Gudoomiyaha ku xigeenka Golaha Guurtidda Somaliland Axmed sheikh Nuux Furre.
Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee golaha Guurtidda Somaliland Sh. Axmed Sheikh Nuux (Furre) oo ka hadlay madashaasi ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay kulankan, waxaana uu si weyn ugu mahadceliyay waftigan “Waad mahadsantihiin hawshaas ee aad isku xil qaanteen ee Somaliland ku timaadeen ee aad hawlahaas oo dhan isku xil saarteen oo aad ku marten hay’addaha dawladda oo dhan.”Ayuu yidhi Gudoomiye ku-xigeenka koowada ee golaha guurtida Sheekh Axmed Sh. Nuur (Furre) waxaanu inta sii raaciyey hadalkiisii “Waa markii koowaad ee wefti haween ah oo yimaadda dalka, oo waliba ka yimaadda jabuuti, waxna la ydihaaddaa haweenku waa ka daacadsan yahay ragga. Waxaana  qabaa in farriimaha laydiin dhiibo waxba aydin ka hagaranayn, waxaana aan filayaa intii aydin joogtaana in aydin wax kasta ku sii ogaateen”.
Guddomiyaha Guddida Joogtada aha ee Golaha Guurtida Maxamud Aw-Axmed isna madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in Golaha Guurtidu uu si weyn u soo dhoweenayo Haweenkasi Xildhibanada ah, waxaanu uga xog waramay sooyaalkii Taarikheed ee Somaliland ay soo martay, iyo Marxaladihii kala duwanaa ee Golaha Guurtida Somaliland kala soo dabaasheen Somaliland, waxaanu xusay in Golaha Guurtidu yihiin laf dhabarta Somaliland, “Golaha Guurtida ee Somaliland waxa uu soo maray marxalado baban, waxaanu ahaa Aasaska Somaliland, Golahani siyaasada ma dhexe galo.Waxa uu xaliyaa wixii dhibaato ah ee soo kala dhexgala beelaha Somaliland,”ayuu yidhi Maxamuud Aw-Axmed.
Dhinca kale, waxa iyaduna halkaasi ka hadashay Afhayeenka Xildhibanaada Haweenka Jabuuti Caasha Maxamed Rooble waxayna ay mahadnaq balaadhan u soo jeedisay masuuliyiinta Somaliland, waxana ay intaasi ku dartay in si fiican oo niyad sami ah ay kala kulantay shacabka iyo dawladda Somaliland, waxana ay si adag ugu nuuxnuuxsatay nabadda iyo xasilinoodi ka jirta Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee haweenka Xildhibaanadda jabuuti oo ka kooban shan haween oo Xildhibaano ah ayaa dalka ku sugnaa muddo saddex maalmood ah, waxana ay kulmo kala gadisan la qaateen qaar ka mid ah laamaha dawladda.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net