Guddida Doorashooyinka Somaliland oo Digniin u jeediyey Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasaded

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland Md. Ciise Yuusuf Maxamed (Xamari) ayaa uga digay Ururadda siyaasadda iyo xisbiyada ka qeyb galaya doorashada deegaanka inaanay samaysan karin Lambarada Astaanka u ah Murahsaxiinta, inta ka horaysa wakhtiga Komishamka Doorashooyinka Qaranku soo saarayo Lambarada rasmiga ah ee Murasahxiinta.

Guddoomiyuhu waxa uu sidaas ku sheegay qoraal kooban oo uu maanta soo saaray kaas oo u dhignaa sidan:- “Waxa laydin ogaysiinayaa in aanay ururada iyo Xisbiyada ka qayb galaya Doorashada Golayaasha Deegaanku aanay samaysan Karin Lambarada Astaanka u ah Murahsaxiinta, inta ka horaysa wakhtiga Komishamka Doorashooyinka Qaranku soo saarayo Lambarrada rasmiga ah ee Murashaxiinta.”

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net