Guddida Doorashooyinka Somalia Oo Ka Hadlay Wakhtiga Ay Dhacayso Doorashada Madaxtinimada Iyo Aqalka Sare

Muqdisho  (SL.Post) Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee ka dhici doonta dalka Dhamdaaka Sanadkan 2016, ayaa lagu wadaa inay mar kale maanta ka hadlaan xilliga doorashada oo u badan tahay inuu dib u dhac ku yimid.

2016925636103862866011984guddiga_doorashooyinka_dadban_ee_somalia

Xubnaha guddiga doorashooyinka ayaa lagu wadaa inay ku dhawaaqaan maanta dib u dhaca Doorashada oo Bishii Ogoosto ee Sannadkaan la Shaaciyay inay billaabanayso shalay oo ay ku beegnayd taariikhdu 24-ka September.

 

Jadwalkii hore ee Guddiga Doorashada Dadban soo saareen ayaa u qornaa sidan:-

24-ka September, 2016; Doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somalia

25-ka September, 2016; Doorashada Aqalka Sare ee Baarlmaanka Somalia

25-ka Oktoobar, 2016; Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya

30-ka Oktoobar, 2016; Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya

 

Sidoo kale, Qaar ka mid ah xubnaha guddiga doorashada dadban ee Somalia, ayaa sheegay in Maanta ay ku dhawaaqayaan qorshe cusub oo ku aaddan Doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo.

 

 

 

Somalilandpost.net