Guddida Doorashooyinka Qaranka oo Xisbiyada iyo ururrada Siyaasadda kala hadlay qaabka loo qabanayo Doorashada Goleyaasha Deegaanka

Hargeysa (SLpost)- Komishanka doorashooyinka qaranka ayaa maanta kulan lagu gorfaynaayo  qaabka qabsoomiyaddda doorashada golaha deegaanka la yeeshay  saddexda xisbi qaran iyo sagaalka urur-siyaasadeed.

Kulan oo ahaa mid ay al-baabadu u xidhnaayeen ayaa markii uu dhamaaday waxay warbaahintu wax ka weydiiysay waxyaabihii laga wada hadalay  qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ururrada iyo xisbiyada qaranka oo sharaxaad ka bixiyay waxyaabihii ay labadooda dhinac ka wada hadleen, iyagoo sheegay in ay ujeedada ugu weyni ee kulankani la xidhiidhay sidii looga wada tashan lahaa qaabka ugu habboon ee ay u qabsoomi karaan  doorashooyinka golaha deegaanka dalka .

Guddoomiye ku-xegeenka 1aad ee xisbiga Kulmiye  Maxamed Kaahin Axmed  oo kawaramay waxbaaha shirkan laga wada hadlay  ayaa sheegay in kulankan ay kaga wada xaajoodeen habka ugu habboon ee  loo qaban karo doorashooyinka  golayaasha  deegaanka ee dalka,isla markaana ay waxbadan iska waydiiyeen.

Sidoo kale waxay  sheegeen masuuliyiinta ka socotay  ururada iyo xisbiyada in laga wada hadlay  sidii ay  doorashadu ku dhicilayd  inta ka horaysa dhammaadka sannadkan  iyagoo intaas ku daray inay ka wadda xaajoodeen oo kale  astaanta musharixiinta  oo ku jirtay Xeerkii ay dhawaan Meel mariyeen Golayaasha Sharci dejinta ee Baarlamanka.

Cali Maxamed Yuusuf (Cali –gurey ) oo ka tirsan masuuliyiinta  Xisbiga UCID  kana  qaybgalay shirkan  maanta ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin su’aalaha dul-hoganaaya qabsoomidda doorashooyinka golaha deegaanka oo  uu ku tilmaamay mid guul darro u muuqata in xukuumadda oo talada haysay  muddo 2 sanno ah aanay wali ku guulaysan qabashada doorasho kaliya.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net